Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan saxiixa 24 jirka weerarka uga ciyaara xulka Brazil ee Vinicius Junior oo ka tirsan Real Madrid.
Sida laga soo xigtay warsidaha Fichajes, kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa xiiseenaya weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior, kaas oo 15 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan.
Laacibka reer Brazil ayaa kamid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta, waxaana laga yaabaa inuu noqdo saxiix wayn oo ay ku loolamayaan kooxaha Ingiriiska.
Dhanka kale, Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale ku jirta tartanka seddex geesoodka ah ee saxiixiisa.
Vinicius Junior ayaa wuxuu ka caawiyay Real Madrid inay ku guuleysato horyaalka iyo UEFA Champions League xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu dhaliyay 24 gool, sido kalana waxa uu sameeyay bandhig cajiib ah xilli ciyaareedkan, isagoo ku lug,yeeshay wadarta guud 15 gool.
Waxaa la filayay in loo caleemo saaro xiddiga ugu fiican adduunka horaantii bishan laakiin waa uu waayay abaalmarinta Ballon d’Or waxaana laga siiyay xiddiga Man City ee Rodri.
Sida laga soo xigtay warsidaha Fichajes, ciyaaryahanka reer Brazil ee Vinicius ayaa suurtagal ah inuu ka tago Real Madrid, waxaana la arki doonaa in labada kooxood ee England ay heli karaan heshiis ay la gaadhan.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa isku dayi doonta in ay ka saxiixato heshiis cusub oo uu kusii joogaayo qalcadda Santiago Bernabeu.