Tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim ayaa lagu soo waramayaa in uu aqbalay mabda’a ahaan in uu noqdo Macallinka cusub ee Manchester United.
39-sano jirkaan ayaa u muuqdo hogaamiyaha u tartamaya inuu xilka kala wareego Erik ten Hag, kaas oo shaqada laga ceyriyay Red Devils Isniintii kadib labo sano iyo bar oo uu ku sugnaa Old Trafford.
Go’aanka lagu ceyriyay Ten Hag, oo saxiixay qandaraas labo sano ah xagaagii, ayaa lagu tilmaamay ‘mid adag oo si fiican isku dheeli tiran’ madaxda Man United, kuwaas oo door biday in wax ka bedel lagu sameeyo ka gadaal guuldaradii kooxda 2-1 ee West Ham United ee Premier League todobaadkii hore.
Ten Hag ayaa baxay isagoo badiyay kaliya afar ka mid ah 14-kii kulan ee uu maamulay Man United tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, taas oo ka dhigeysa in Red Devils ay ku jirto kaalinta 14-aad ee kala sarraynta Premier League iyo 21aad ee 36-da kooxood ee Europa League.
Ruud van Nistelrooy ayaa si ku meel gaar ah xilka tababarnimo u sii heenayo inta tababaraha joogtada looga magacaabaayo.
Ten Hag, oo la ceydhiyay Amorim oo qabanaayo United.
Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa sheegtay in Man United aysan u tixgelinayn tababarihii hore ee Barcelona Xavi inuu yahay musharax tababare oo lagu beddelaayo Ten Hag.
Si kasta ha ahaatee, Red Devils ayaa la fahamsan yahay inay qaadeen ‘tallaabooyin waa-weyn’ si ay 39-jirka aadka loo qiimeeyo ee Amorim ugala soo wareegaan Sporting.
Amorim ayaa loo aqoonsaday inuu yahay bartilmaameedka 1-aad ee Man United si uu u bedelo Ten Hag, waxaana la sheegay in wada xaajoodyada Red Devils iyo Sporting ay socdaan.
Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Amorim ayaa haatan ay u socdaan waxkasta oo horumar ah ee bilowga heshiiska labada dhinac waxana uu doonayaa in uu ku biiro kooxda isaga oo aqbalay mashruucooda iyo shuruudaha laga wada hadlay.
Romano ayaa intaa ku daray in Amorim uu ixtiraamo Sporting, isla markaana uu u wareegi karo Old Trafford ay ku xiran tahay in heshiis lala gaaro Man United si ay u bixiyaan 10 milyan oo euro (£ 8.3m) ee lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Dhanka kale, warbixin gaar ah oo ka soo baxday Manchester Evening News ayaa sheegtay in Amorim uu ‘ku heshiiyey mabda’a’ si uu u qabto xilka Man United.
Amorim ayaa guulo badan ka soo hooyay dalkiisa Portugal afartii sano iyo bar ee uu maamulayay Sporting, isagoo ku guuleystay 71.73% 237 kulan oo uu maamulay, waxaana uu kor u qaaday shan koob oo ay ku jiraan 2020-21 iyo 2023-24. Horyaalka Primeira Liga ka hor inta uusan gaarin 40 sano jir.