Kabtanka Liverpool ayaa ka mid ah seddexda xiddig ee Reds ee qandaraaskiisu dhacayo iyadoo uu shaki ku jiro mustaqbalka Van Dijk, Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold.
Virgil van Dijk ayaa waxa uu qirtay in aanu wax fikrad ah ka lahayn waxa mustaqbalkiisu noqon doono iyada oo ay sii socdaan wadahadalada heshiis kordhinta ee uu kula jiro Liverpool.
Qandaraaska haatan ee kabtanka Liverpool – sida kuwii Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold – waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu kala hadlay heshiis kordhinta kooxda.
Laakiin Liverpool ayaa halis ugu jirta in ay 75 milyan oo gini ku wayso qaab beeca xorta ah iyada oo Van Dijk uu awoodo in uu diyaariyo u dhaqaaqista kooxo ajaanib ah laga bilaabo bisha January, daafaca dhexena ma hubo in uu sii joogi doono Anfield.
Waxa uu yiri: “Waxaan dhihi karaa sida iska cad wadahadaladu waa socdaan, laakiin ma garanayo, waan arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka. Waxa aan diirada saarayaa Liverpool, aniga oo doonaya in aan guulaysto kulamo badan oo soo socda”.
“Mustaqbalku waxa uu keeni doono wax fikrad ah kama hayo hadda. Waxa kaliya oo aan idiin sheegayaa in wada hadal la bilaabay oo aanu arki doono”.
Van Dijk ayaa 34 jirsanaya bisha July laakiin waxa uu ku jiray qaab ciyaareed fiican taas oo keentay in uu ku fikiro in uu heer sare ka ciyaari karo dhawr sano.
Isagoo hadlayay ka dib guushii 2-1 ay Liverpool ka gaartay Chelsea, wuxuu ku daray: “Waxaan dareemayaa wanaag, jir ahaan, maskaxiyan waxaana ku raaxaysanayaa ciyaarista kubadda cagta. Waxa mustaqbalka uu keeni doono wax fikrad ah kama hayo hadda, laakiin wada-hadallada ayaa socda oo aan la yeelanayo dadka saxda ah iyo marka la gaadho waqtigii go’aan laga gaadhi lahaa ayaam qaadanaya kolee wax kasta, waxaan filayaa inaad idinkuna ogaan doontaan. Laakin hadda waxaa iga go,an inaan diiradda saaro horumarkayga ku aadan Liverpool iyo in aaan guulo gaarno xilli ciyaareedkan. Markaa waan arki doonnaa. Waxa dhaca mustaqbalka ”.
Liverpool ayaa heysata rikoorka daafacashada ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana laga dhaliyay seddex gool oo kaliya, Van Dijk ayaana dareemaya farqi weyn islamarkaana dadaalkan qayb ka ahaa in ciyaartoyda ay kubada ka ilaashadeen xilli tababaraha cusub Arne Slot uu bedelay qaab ciyaareedkiisa kadib ka tagitaankii Jurgen Klopp