Neymar ayaa waxa uu soo maray wakhti murugo ah tan iyo markii uu u wareegay kooxda Saudi Pro League Al-Hilal,.
Xididga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa haaatan u muuqda mid soo kabanaaya islamarkaana garoomada dib ugu soo laabanaayo kadib dhaawac in nuddo ah uu kaga maqnaa kooxdiisa ee Al-Hilal.
Neymar ayaa dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa in ka badan hal sano, iyadoo warar hore ay sheegayaan in laga yaabo inuusan si rasmi ah u ciyaarin ilaa 2025.
Kooxda Al Hilal ayaa waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqo in Neymar uu ku biiri doono kooxda u safri doonta Al Ain si uu u wajaho kooxdaas, kulan ka tirsan tartanka Asian Champions League, waxaana laga yaabaa inuu kasoo muuqdo kulankan oo uu helo daqiiqadihiisa ugu horreeya ee ciyaara
Neymar ayaa waxa uu ka qayb qaatay tababarka kooxda kadib markii uu dhammeeyey barnaamijkiisa soo kabashada,” Al Hilal ayaa soo dhigtay barahooda bulshada.
32-jirka reer Brazil ma ciyaarin tan iyo markii uu dhaawacmay intii lagu jiray isreeb-reebka Koobka Adduunka ee CONMEBOL oo ay la ciyaareen Uruguay bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Haddaba Muxuu yiri Neymar?
“Neymar ayaa ku qasbanaaday inuu ilmada ceshan waayo islamarkaana uu dagaallamo isaga oo sharaxaya dhibka uu ku qabo in uu garoonka dib ugu soo laabto iyo jahawareerka maskaxeed ee uu dareemay markii uu ka soo laabtay dhibaato kale oo halis ah.”
“Waxaan dareemay xanuun aad u weyn, waxaana ogaa inay halis tahay,” Neymar ayaa u sheegay NR Sports. “Waxa aan nolosha ugu jeclahay waa ciyaarista kubada cagta. Maalin kasta oo aan ka maqnaado waa maalin rafaad. Markaa taasi waa waxa iigu xanuunka badan ee aan noloshayda aan arko sida uu u sheegay NR Sports”.
Neymar ayaa uga soo dhaqaaqay Saudi Arabia kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain qiimo lagu sheegay 90 milyan oo Yuuro ($ 97.9m) bishii Agoosto, Neymar ayaa ciyaaray kaliya shan kulan kahor inta uusan dhaawacmin.