Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku rajo weyn tahay inay qiimo jaban kula soo saxiixato weeraryahanka kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic 2025.
Gunners ayaa in muddo ah ku raad joogtay helitaanka xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia, kaas oo galay labadii sano ee ugu dambeysay qandaraaskiisa Juventus.
Vlahovic ayaa la fahamsan yahay in uu Juventus kala xaajoonayo heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono wax ka badan ilaa iyo xagaaga 2026.
Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaa wali heshiis gaadhin mana muuqato wax astaan ah oo sheegaya in heshiis cusub lagu heshiin doono mustaqbalka dhow.
Sida laga soo xigtay wargayska Caught Offside, Arsenal ayaa rajo ka qabta in ay heshiis qiima dhimis ah la gaarto xiddiga kooxda Juventus iyo xulka Serbia ee Vlahovic.
Warbixinta ayaa sheegeysa in xaalada qandaraaska ee ciyaaryahan Vlahovic ay ku qasbi karto Juventus inay ku iibiso Vlahovic € 60m (£ 50m) ama wax ka yar xagaaga soo aadan.
Waxayna ka dhigan tahay in ay lumisay heshiiskii €83.5m ee Juventus ay Vlahovic kagala soo wareegtay Fiorentina bishi Janaayo 2022
Arsenal ayaa haatan la filayaa in ay si dhaw isha ugu hayso xaalada heshiis kordhinta ee xiddiga reer Serbia iyo Juventus ee Dusan Vlahovic xili ay doonayaan inay keenaan qalcadda Emirates Stadium sanadka 2025.