Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa marti u ah kooxda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League gaar ahaan kulamada 8-aad.
Gunners ayaa kulankan soo galaysa iyaga oo leh 17-dhibcood, xili ay ku jiraan kaalinta 2-aad miiska kala sarreynta horyaalka EPL.
Arsenal ayaa guul gaartay 5-kulan oo horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League, kulankoodii ugu dambeeyay 3-1 ayay kaga adkaadeen Southampton labo usbuuc ka hor, halka Cherries ay 1-0 ku garaacday Leicester City oo aan ilaa hadda badin.
Kulanka: Bournemouth Vs Arsenal
Tartanka: Premier League
Wareegiisa 8-aad.
Wakhtiga: 19:30-Habeenimo
Garoonka: Vitality Stadium.
Garsooraha: Robert Jones England 🇬🇧
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
- Kooxda Bournemouth ayaa badisay kaliya afar ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.
- Si kastaba ha ahaatee, Cherries ayaa laga badiyay kaliya afar ka mid ah 17kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaaraan garoonkooda.
- Guusha kaliya ee Bournemouth ay ka gaartay Arsenal 16-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan waxa ay aheyd 2-1 oo ay ku garaacday garoonkooda Premier League bishii Janaayo 2018.
- Kooxda Arsenal waxa ay dhalisay ugu yaraan 2 gool 20 ka mid ah 25-kii kulan ee ugu dambeeyay (Premier League).
- Gunners ayaa waxa ay badisay 11-kamid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay (Premier League).
- Arsenal waxa ay badiyeen 3-dii kulan ee ugu dambeyay ee ay banaanka ku wajaheen Bournemouth tartamada oo dhan labada half time and full time .
- Arsenal ayaan laga badinin 16 kulan oo ay ciyaartay tartamada oo dhan tan iyo guuldaradii 1-0 ka soo gaartay Bayern Munich lugta labaad ee sideed dhamaadka tartanka Champions League bishii April.
- Waa rikoodhka guuldaro la’aanta ugu dheer ee Arsenal tan iyo 22 kulan oo xiriir ah oo ay ciyaartay August ilaa December 2018 markaas oo uu maamulayay Unai Emery.
- Arsenal ayaa noqonaysa kooxdii labaad ee 2,000 oo guul oo kulamda heerka sare ah gaadhay, kadib Liverpool.
- Gunners ayaa laga yaabaa in ay sii dheeraysato rikodhka guuldaro la’aanta ee ay ku soo ciyaartay garoonkeeda 13 kulan markii ugu horraysay muddo 15 sano ah.
- Kai Havertz ayaa dhaliyay dhamaan lixdii kulan ee uu ku ciyaaray garoonkiisa tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ku guul daraystay in uu shabaqa soo taabto dhamaan 4-tii kulan ee uu martida ahaa.