Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa la soo warinaayaa inay si dhow isha ugu haysa gool haye Mike Maignan, sida laga soo xigtay Fichajes.net.
Goolhayaha reer France ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku jiray bandhig wacan oo aad u sarreeya kooxdiisa AC Milan, laakiin qandaraaskiisa San Siro ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.
Maignan ayaa loo diiwaan geliyay lix kulan oo shabaqiisa ilaashaday 19 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan taas oo keentay dadaalka 29-jirkan inay mar hore arkeen kooxaha ugu waa weyn qaaradda Yurub.
Red Devils ayaa sidoo kale ka mid ah liiska kooxaha doonaya waxaana ay ka fikirayaan inay u dhaqaaqaan sanadka soo socda.
Kooxda Premier League ayaa si weyn u maalgalisay goolhaye Andre Onana oo ay kala soo wareegtay Inter Milan xagaagii 2023, laakiin gabi ahaanba ilaa hadda ma uusan noqonin sida laga rabay.
Goolhayaha reer Ivory Coast ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Onana laga dhaliyay 83 gool 51 kulan oo uu ciyaaray, waxana loo diiwaan geliyay in 13 kulan oo uu shabaqiisa ilaashaday.
Onana ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan, isaga oo loo diiwaan geliyay todobo kulan oo uu shabaqiisa ilaashaday 21 kulan oo uu ciyaaray.
Manchester United ayaa qorsheyneysa inay iska xoojiso booska shabaq ilaalinta, waxaana sida muuqata ajandaha ku jira goolhaye cusub.
Red Devils ayaa sida muuqata isha ku haysa inay Onana ku beddesho Maignan kaas oo ah musharaxa ugu habboon.
Xiisaha kooxda reer England ayaa ku qasbay AC Milan inay ficil samayso. Kooxda reer talyaani ayaan rabin inay iska fasaxdo goolhayahooda Maignan, waxana ay haatanba qorshaynayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan.
Milan ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto heshiis ka tarjumaya muhiimada uu u leeyahay kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa qorsheyneysa inay tijaabiso go’aankeeda iyadoo soo gudbineysa dalab qaali ah xagaaga soo aadan.