Kooxda Juventus ayaa kulan xiiso leh oo ka tirsan UEFA Champions League, kula ciyaaraysa gurigooda Allianz Stadium naadiga Manchester City.
Manchester City ayaa hadda ku jirta kaalinta 17-aad ee kala saraynta UEFA Champions League mana soo bandhigin qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.
Cityzens ayaa barbardhac 2-2 ah la gashay Crystal Palace kulankoodii ugu dambeeyay, waxaana kulan doonayan inay kusoo laabato wadda guusha.
Dhanka kale Juventus ayaa ku jirta kaalinta 19-aad ee kala saraynta champions League wakhti xaadirkan iyaga oo waliba xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed liita soo bandhigay.
Kooxda martida loo ahaa ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Bologna dhamaadkii Isbuucaan, waxaana ay u baahan yihiin inay soo laabtaan si ay guul uga gaaraan Manchester City kulankaan.
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Kooxda Juventus ayaa rikoodh fiican ka heysata Manchester City tartamada Yurub, waxaana ay badisay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ay wada ciyaareen labada kooxood, halka Manchester City ay hal guul gaartay.
●Kadib markii ay guuldarro 1-0 ah kaga soo gaartay Manchester City ciyaartii ugu horeysay ee Yurub ee koobka UEFA Cup 1976, Juventus ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Cityzens.
●Manchester City ayaan wax guul ah gaarin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Juventus ku wajahday masraxa Yurub – waana guushoodii ugu dheereyd ee ay hal koox ka horyimaadaan tartamada waaweyn ee Yurub.
●Juventus ayaa laga badiyay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaaraan garoonkooda tartanka UEFA Champions League, waxaana kulankii ugu dambeeyay ee sidan oo kale ah looga badiyay VfB Stuttgart 1-0.
●Manchester City ayaa laga dhaliyay 7 gool labadii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka UEFA Champions League.