Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay siiso Chelsea laba xiddig sidoo kalana ay ku darto lacag kaash ah si ay Enzo Fernandez uga soo kaxeeyaan Chelsea.
Fernandez, oo 23 jir ah, ayaa waxa uu dhawaan noqday mid kamid ag xiddigaha ugu muhiimsan ee Chelsea marka loo eego qaab ciyaareedkiisa wacan.
Waxa uu shabaqa soo taabtay seddex jeer, waxaana uu gacan ka geystay lix caawin todobadii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes.net, Barcelona ayaa u aqoonsatay xiddiga reer Argentina inuu yahay saxiix macquul ah mustaqbalka dhow.
Waxay diyaar u yihiin inay Frenkie de Jong iyo Ferran Torres u soo bandhigaan Blues heshiis macquul ah oo 2- ciyaaryahan iyo lacag caddaan ah.
Kooxda Chelsea ma rabto inay kala tagaan ku guulaystaha Koobka Adduunka ee FIFA 2022.
Kooxda ayaa laga yaabaa inay tijaabiso rajada laga qabo in laba ciyaaryahan oo Barcelona ah ay soo galaan, laakiin tababare Enzo Maresca ayaa la filayaa inuu go’aanka kama dambaysta ah yeesho.
Tan iyo markii uu Benfica kaga soo tagay 107 milyan ginni bishii Janaayo 2023, Fernandez waxa loo diiwan-geliyay 10 gool iyo 12 caawin 81 kulan oo uu u saftay Blues.