Real Madrid ayaa kula dagaalameysa kooxaha, Manchester United, iyo Liverpool, xiddiga Milos Kerkez, sida laga soo xigtay Real Madrid Confidencial.
Daafaca bidix ee Hungarian ayaa ka tirsan kooxda Bournemouth isaga oo sameenaaya bandhig heer sare ah xilli ciyaareedkan.
Kerkez waxa uu yimid Vitality Stadium xagaagii 2023 isaga oo ka yimid AZ Alkmaar. Xiliciyaareed kan, 21-sano jirkaan ayaa loo diiwaan galiyay hal gool iyo labo caawin 14 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Dadaalkiisa ayaa durba ku qasbay Real Madrid inay wax ka ogaato. Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa baadi goob ugu jirta daafac bidix oo cusub iyada oo ay jirto hubaal la’aanta ku xeeran mustaqbalka Ferland Mendy.
Xiddiga Hungarian-ka ayaa horreyba u lahaa taageerayaal badan oo Premier League ah, iyadoo Manchester United iyo Liverpool ay sidoo kale ku jiraan raadkiisa.
Red Devils ayaa raadineysa daafac bidix oo cusub xilli Luke Shaw uu dhibaato dhaawac qabo. Tababaraha cusub Ruben Amorim ayaa doonaya inuu wax ka qabto booska ka hor bilowga ololaha soo socda. Kerkez ayaa ku soo baxay raadaarka Manchester United.
Dhanka kale, kooxda Merseyside ayaa sidoo kale dejinaysa qorshayaal isku xig xiga Andrew Robertson. Daafaca bidix ee Scotland ayaa durbaba ku jira da’da 30-jirada, Reds ayaana sida muuqata aaminsan in Kerkez uu ku habboon yahay garoonka Anfield.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Hungary ayaa qandaraas kula jira Bournemouth ilaa 2028, sidaas darteed Liverpool, ama kuwa kale ee doonaya, waa inay bixiyaan lacag fiican si ay u helaan saxiixiisa.