Kooxda Manchester City ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Valencia Pepelu inuu yahay beddelka ugu fiican ee Rodri bisha Janaayo, sida laga soo xigtay Transfers Football (via football365.com).
Cityzens ayaa waxaa ka maqan xiddigooda khadka dhexe, ee Rodri kaas oo dhaawac halis ah kasoo gaaray dhanka jilibka oo loo yaqaano ACL bishii Sebtembar ee sanadkan.
Rodri ayaa waxa uu ahaa mid aan looga maarmin City sannadihii u dambeeyay, waxaana uu awood u siiyay inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu Euro 2024 la qaaday Spain xagaagii, waxaana uu sidoo kale sanadkan ku guuleystay Ballon d’Or isagoo ka qaaday Vinicius Junior oo kusoo baxay kaalinta 2-aad.
Maqnaanshihiisa, Manchester City ayaa u dhacday kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League 14 kulan oo ay ciyaartay, iyadoo sagaal dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.
City ayaa laga badiyay lix ka mid ah todobadii kulan ee ay ciyaareen tartamada ka hor inta aysan bartamihii isbuuca 3-0 kaga badiyeen Nottingham
Iyadoo Rodri aysan u badneyn inuu ku soo laabto garoomada xilli ciyaareedkan, Pep Guardiola waxa uu doonayaa iinuu helo booskiisa bisha Janaayo.
Tababarihii hore Barcelona ee Guardiola ayaa u aqoonsaday Pepelu inuu yahay ninka ku haboon kooxda.
26-jirka ayaa lagu wadaa inuu kasoo degto qalcadda Ethihad Stadium oo ay ku ciyaarto Man City marka la gaaro suuqa bisha Janaayo.
Intaa waxaa dheer, Manchester City waxa ay aaminsantahay in Pepelu uu sidoo kale u noqon doono kayd adag Rodri marka uu taam ahaanshihiisa ku soo laabto sanadka soo socda.
Laacibka khadka dhexe kooxda VValenciaee Pepelu ayaa waxa oo diiwaan geliyay labo gool iyo labo caawin 13 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.
Pepelu ayaa waxa uu Valencia CF kaga soo biiray Levante lacag dhan €5 milyan bishii Luulyo 2023 – halka lagu burburin karo qandaraaskiisa laacg dhan €100 milyan oo euro, wuxuuna ku eg yahay hishiiskiisa ilaa Juun 2028.