Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Barcelona iyo xulka Holland ee Frenkie de Jong si ay ugu beddesho Ryan Gravenberch.
Sida laga soo xigtay Caught Offside, Reds ayaa u aragta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Holland inuu yahay bedelka suurtagalka ah ee Gravenberch kaas oo lala xiriirinayo inuu u wareegayo Real Madrid.
22 jirkan ayaa lagu soo waramayaa in uu xiiso ka helaayo kooxda Real Madrid, kadib qaab ciyaareedkiisa wacan ee kusoo bandhigay Anfield xilli ciyaareedkan.
Haddii Gravenberch uu ku biiro Los Blancos, Liverpool waxa ay isku dayaysaa in ay weerarto kooxda ay xafiiltamaan Real Madrid ee Barcelona si ay uga soo qaadato xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong.
Waxaa la sheegay in Frenkie de Jong uu yahay bartilmaameedka ugu wayn ee Reds haddii ay lumiso Gravenberch.
De Jong ayaa lagu qiimeeyaaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican adduunka, tan iyo markii uu 2019 ugu biiray Barcelona adduun dhan €75 oo milyan euro.
Si kastaba ha ahaatee, De Jong ayaa ilaa iyo hadda waxa uu 11 kulan u saftay kooxda Barcelona oo uu hoggaamiyo macalin Hansi Flick xilli ciyaareedkan laakiin laba jeer oo kaliya ayuu ku soo bilowday.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa dhowr jeer oo hore lala xiriirinaayay inuu ka tagayo Barcelona, balse waa uu ku fashilmay.
Manchester United ayaa hore ugu dhawaatay inay la soo wareegto, waxaana weli la fahamsan yahay inay sii wadaan xiisahooda ku aadan inay lasoo wareegaan.