Kooxda Manchester City ayaa isku dayi doonta inay soo yarayso farqiga u dhexeeya hogaamiyaasha horyaalka Liverpool marka ay sabtida ku soo dhaweeyaan Crystal Palace Selhurst Park.
Manchester City ayaa ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka Premier league iyada oo aan xilli ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa.
Kooxda martida ah ayaa 3-0 kaga badisay Nottingham Forest isbuucaan, waxayna kalsooni ku qabtaa inay ka badiso kulankan kooxda ka dhisan London ee Crystal Palace.
Dhanka kale Crystal Palace ayaa ku jirta kaalinta 17-aad ee kala saraynta horyaalka EPL, iyada oo ilaa haatan dhibtoonaysa xilli ciyaareedkan.
Eagles ayaa guul cidhiidhi ah 1-0 ka gaartay Ipswich Town kulankoodii hore waxayna eegi doonaan inay gaaraan natiijooyin la mid ah usbuucan.
Xogta Kulanka:
Tartanka: EPL.
Xiliga: 18:00-habeenimo Xiliga Geeska Africa.
Kulamada 15-aad.
Garoonka: Selhurst Park, London.
Garsooraha Kulanka: Robert Jones, England 🏴
Xaqiiqoyinka Kulanka:
●19 gool ayaa la iska dhaliyay lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labadan kooxood isku arkeen.
●Manchester City ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.
●Crystal Palace lagama badin shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League.
●Manchester City ayaa badisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Crystal Palace.
●Man City ayaan laga badinin 10 kulan tartamada oo dhan oo ay ku ciyaareen Selhurst Park tan iyo guuldaradii 2-1 ee horyaalka bishii Sebtembar 2015 (8 guul iyo 2 barbaro)
●Palace ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Manchester City horyaalka Premier League, iyadoo labada guul ay ku gaareen Etihad Stadium 2018 iyo 2021.
●Manchester City ayaa badisay todobo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay meel ka baxsan garoonkeeda kula ciyaartay Crystal Palace horyaalka Premier League, iyadoo guuldaro 2-1 ah City kaga badisay bishii April 2015 garoonka Selhurst Park.
●Blues ayaan wax guuldaro ah la kulmin 31-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu Kevin De Bruyne ku soo bilawday horyaalka (26 guul iyo 5 bar-baro), xiddiga reer Belguim ayaa si toos ah ugu lug lahaa 25 gool kulamadaas isaga oo dhaliyay 9 gool sidoo kale caawiye ka noqday 16 gool.