Macalinka kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa isku dayi doona inuu ku soo laabto waddada guulaha, marka uu kula ciyaaraayo garoonkooda kooxda Girona Estadi Municipal de Montilivi.
Real Madrid ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga iyaga oo aan ku jirin qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.
Los Blancos ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulantay Athletic Bilbao kulankoodii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga, waxayna doonayaan inay kasoo laabtaan guuldaradaas.
Dhanka kale Girona ayaa ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka wakhti xaadirkan waxana ayna ilaa haatan ku jirin qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.
Kooxda reer Catalan ee Girona ayaa guuldarro lama filaan ah kala kulantay Logrones kulan ka tirsan Copa del Rey Isbuucaan, waxaana doonayaan inay iska tirtirrto xanuunka guuldarada marka ay kusoo dhaweeyaan garoonkooda Estadi Municipal de Montilivi Real Madrid.
XOGTA KULANKA:
TARTANKA LA LIGA.
KULAMADA: 16-AAD.
XILIGA: 23:00-HABEENIMO XILIGA GEESKA AFRICA.
GAROONKA: ESTADI MUNICIPAL DE MONTILIVI.
GARSOORAHA: KULANKA. JESUS GIL, Spain 🇪🇸.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
●Real Madrid ayaa laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay.
●Kooxda Girona wax guul ah ma gaarin seddexdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan. (D1 L2)
●Real Madrid ayaa rikoodh wanagsan ka haysata marka ay wajahdo Girona, waxayna badisay lix ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labada kooxood ciyaareen, halka Girona ay saddex guulood ka gaadhay.
●Girona ayaa badisay saddex ka mid ah siddeedii kulan ee ay Real Madrid la ciyaartay horyaalka La Liga – kaliya Barcelona ayaa boqolkiiba guul ka sareysa Los Blancos taariikhda tartanka.
●Real Madrid ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga waxana ay labadaas kulan ilaashatay shabaqeeda.
●Los Blancos ayaa laga yaabaa inay seddex kulan oo xiriir ah guul ka gaarto Girona markii ugu horeysay taariikhda tartanka.
●Real Madrid ayaa laga badiyay laba ka mid ah afartii kulan ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda kooxda Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga.