Ancelotti ayaa qirtay in Mbappe uusan ku jirin xaaladiisa ugu fican Real Madrid
Kylian Mbappe ayaa lumiyay rigoore labaad muddo todobo maalmood gudahood ah Real Madrid iyadoo Arbacadii 2-1 guul daro ah kala kulmeen Athletic Bilbao kulan ka tirsan La Liga.
Tababaraha kooxda Real Madrid ayaa taageero wayn u muujiyay xiddiga reer France iyo kooxda Madrid ee Kylian Mbappe, kaas oo ku dhibtoonaya inuu gaaro heerkii wax qabad ee laga filaayay markii uu kaga soo biiray Paris Saint-Germain.
Mbappe ayaa khasaariyay rigoore labaad oo xiriir ah Arbacadii kulankii ay Real Madrid guuldarada 2-1 ka ah ka soo gaartay Athletic Bilbao, isagoo sidoo kale rigoore ka badbaadiyay Caomhin Kelleher kulankii ay guuldarada 2-0 ah ka soo gaartay Liverpool todobaadkii hore.
Waxa ay aheyd qaab ciyaareed kale oo uu sameeyay xiddiga reer France kaas oo ku guuldareystay inuu sare u kaco kulankii Bilbao, iyadoo Mbappe uu xilli ciyaareedkan u dhaliyay sideed gool oo LaLiga ah.
“Waa kaliya 1% kartidiisa tuurista rigoorada, laakiin kuma jiro xaaladiisa ugu fican,” Ancelotti ayaa ku sheegay shir jaraa’id.
“Si kastaba ha ahaatee, waa inaan siinaa waqti uu kula qabsado [Real Madrid], waxa uu dhaliyay 10 gool, waxa uuna si adag uga shaqeynayaa sidii uu horumar u sameyn lahaa.
“Weli lama hadlin isaga. Waxay ahayd ciyaar adag, xitaa, dagaal adag, ciyaar tartan ah. Waxaan khasaarinay rigoore, ma qiimeeyo cayaaryahanka sababtoo ah rigoore uu khasaariyay Sida iska cad wuu murugeysan yahay, wuu niyad jabay, laakiin waa inaan sii wadnaa.”
Real Madrid ayaa haatan laga badiyay afar ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan,waxana ay iska lumisay fursad ay ku soo yareyn kartay farqiga dhibcaha ee u dhexeeya hogaamiyayaasha Barcelona oo 4 dhibcood ku hogaaminaya 37 dhibcood iyada oo ciyaartay kulamo ka badan.
“Ciyaarta waxa ay aheyd mid siman, Athletic waa koox aad halis u ah, waanu tartannay waana dagaalanay, waxaan filayaa in kulanka uu ahaa mid u qalma barbaro” ayuu yiri Ancelotti.
“Laakiin waa waxa ay tahay. Weli waanu ku jirnaa dagaalka waana in aan sii wadnaa dagaalka. Waxaan heli karay natiijo fiican, laakiin halkan ayaan joognaa, waana inaan ka fikirnaa kulanka sabtida ee Girona ayuu hadaalkiisa kusoo gaba gabeeyay macalin Ancelotti”.