Hansi Flick ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in Barcelona ay la soo wareegto 26 jirka khadka dhexe ee AC Milan Tijjani Reijnders, kaas oo diirada u saaran kooxaha Chelsea, Manchester City, iyo Tottenham Hotspur
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay majaladda Isbaanishka ee Fichajes, Tijjani Reijnders ayaa bartilmaameed u ah kooxda Isbaanishka ee Barcelona.
Hansi Flick ayaa haatan wado oo ku riixaaya kooxda reer Catalan u dhaqaaqista ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan, iyadoo tababaraha Jarmalka uu doonayo inuu ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.
Dhanka kale, warbixin ay soo saartay jariirada Talyaaniga ee Calciomercato ayaa daaha ka qaaday in ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan uu bartilmaameed u yahay kooxaha Chelsea, Manchester City, iyo Tottenham Hotspur.
Ciyaartoyga kooxda Ac Milan ee Reijnders oo wax ka beddalay kulankii Real Madrid ee tartanka UEFA Champions League ayaa soo jiitay indhaha dhawr kooxood oo caan ah.
Kooxda Serie A ka dhisan ee Milan ayaa ku dooneysa ku dhawaad 50 milyan oo Yuuro si ay uga qeyb qaadato xiddiga reer Holland inuu ka ciyaaro tartaml kale.
Tijjani Reijnders ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican Serie A tan iyo markii uu AC Milan kaga soo biiray AZ Alkmaar heshiis ku kacaya €20 milyan bishii July 2023, wuxuuna u dhaliyay 11 gool iyo todoba caawin.
Dhanka kale, horumarka uu sameeyay ciyaaryahanka qadka dhexe ee Reijnders ayaa soo jiitay indhaha dhowr kooxood oo caan ah oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Chelsea, Manchester City, Tottenham, iyo Barcelona.