Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa go’aan weyn ka qaadatay baacsiga ay ku doonayso daafaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold.
Los Blancos ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansatay in ay kaliya 26 jirkan ugu dhaqaaqi doonto qaab beeca xorta ah dhamaadka xilli ciyaareedka 2024-25.
Xididga Alexander Arnold ayaa kasoo baxay da’yarta akadeemiyadda Liverpool 2016/17, wuxuuna tan iyo markaas u saftay Reds 325 kulan , isagoo u dhaliyay 19 gool iyo 83 caawin.
Sida laga soo xigtay warbixinnada TBR Football kooxda Reds ayaa la rumeysan yahay inay u soo bandhigtay qandaraas kordhin oo uu ku noqon doono ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Ingiriiska ee Premier League wuxuuuna qaadan doonaa in ka badan £ 400,000 / oo ginni usbuucii).
Iyadoo Liverpool ay weli quus ka taagan tahay in Alexander-Arnold uu saxiixo heshiis cusub, waxaa weli jira shaki ku aadan mustaqbalkiisa kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee uu qoray wariyaha The Telegraph Mike McGrath, kooxda reer Spain ayaa meesha ka saartay suurtogalnimada ay ku bixineyso lacag ay kula soo saxiixaneyso xiddiga reer England bisha Janaayo.
Qandaraaska Alexander-Arnold ee Anfield ayaa lagu wadaa inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan.