Tababaraha kooxda Manchester United ee Ruben Amorim ayaa doonaya inuu Red Devils kala hadlo istaraatiijiyada suuqa kala iibsiga maadaama uu aqoonsaday saxiixiisii ugu horeeyay ee Old Trafford.
Amorim ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo xiddiga ay isku dalka yihiin Portugal ee Tomas Araujo inuu keeno qalcadda Old Trafford si uu u noqdo saxiixiisa ugu horreeya.
Da’yarka ayaa kooxda kowaad ku biiray 2021 wuxuuna noqday xubin muhiim ah oo ka mid ah kooxda, kadib markii uu ka soo laabtay amaah uu ku joogay Gil Vicente 2023.
Qaab ciyaareedkiisa ayaa ahaa mid qof walba uu u riyaaqay islamarkaana uu arkay, waxaana uu sanadkan kasoo muuqday xulka qaranka Portugal, isagoo kulankiisii ugu horeysay u saftay bishii November ee fasaxa xulalka.
Macalinka Man United ee Ruben Amorim waxa uu haystaa daacfyada dhexe ee kla ah Harry Maguire, Jonny Evans, Leny Yoro, Matthijs de Ligt, Lisandro Martinez, iyo Victor Lindelof oo ah dookhyada saddexda boos ee daafaca dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha ayaa u muuqda inuu doonayo inuu kooxda u dhiso qaab ku habboon qaab ciyaareedkiisa, waxaana uu aaminsan yahay Tomas Araujo inuu yahay xiddig muhiim ah oo uu kusoo baxaayo shaxdiisa.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday The Sun (via CaughtOffside), wuxuu Araujo u aqoonsaday inuu yahay saxiixii ugu horreeyay abid ee Old Trafford.
Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa madaxda Manchester United si uu ugala hadlo arrintan.
Araujo ma noqon doono mid raqiis ah, inkastoo lagu soo waramayo in qandaraaskiisa lagu burburin karo 100 milyan euro, taas oo laga yaabo inay hakiso Red Devils.
Daafaca dhexe ayaa horeba wadar ahaan 37 kulan u saftay kooxda koowaad ee Benfica, isagoo u dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka ahaa.