Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa daafaca kooxda Bologna ee Jhon Lucumi kaas oo lala xiriirinayay Manchester United ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Lucumi, oo 26 jir ah, ayaa noqday mid ka mid ah daafacyada ugu fiican Serie A-da tan iyo markii uu kaga soo tagay kooxda Belgian KRC Genk aduun dhan £7 milyan sanadkii 2022.
Waxa uu Bologna ka caawiyay in ay ku dhameysato kaalinta shanaad intii uu joogay tababaraha haatan ee Juventus Thiago Motta.
Haatan, sida laga soo xigtay wargayska Isbaanishka AS, Barcelona ayaa u qoondeysay Lucumi inuu noqdo bartilmaameedka ugu sarreeya ee daafacyada suuqa kala iibsiga iyadoo aan la hubin mustaqbalka daafacyada Ronald Araujo iyo Andreas Christensen.
Waxay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan xiddiga reer Colombia, kaas oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 21 milyan ginni, suuqa jiilaalka.
Haddii xiddiga lugta bidix uu ku biiro kooxda Hansi Flick mustaqbalka dhow, waxa uu la tartami doonaa Ronald Araujo Andreas Christensen iyo Inigo Martinez.
Lucumi, oo horaantii xagaagan lala xiriirinayay inuu si joogto ah ugu biirayo Manchester United, ayaa ku soo bilowday 70 ka mid ah 79 kulan uu u saftay Bologna tartamada oo dhan.
Waxa uu dhaliyay hal gool seddexna caawiye ka ahaa kooxda ka ciyaarta Serie A.