Kooxda Liverpool ayaa u aqoonsatay xiddiga Real Madrid iyo xulka Brazil ee Rodrygo Goes beddelka suurtagalka ah ee Mohamed Salah, sida laga soo xigtay Fichajes.net.
Weeraryahanka reer Masar ee Salah ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Reds, welina ma saxiixin heshiis cusub.
Salah ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay inuusan wali helin soo jeedin amaba dalab qandaraas kordhin ah oo hishiis looga saxiixanaayo.
32 jirkan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in laga yaabo in uu ka tago Anfield sanadka soo socda.
Waxa ay Rodrygo u aqoonsadeen dookh ay ku buuxin karaan booska uu banenaayo Salah haddii uu ciyaaryahan ku baxo.
Mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee kooxda Real Madrid ayaa la isla dhex marayay inuu ka tagaayo qalcadda Santiago Bernabeu, xili ciyaaredyadii ugu dambeeyay, tan iyo markii uu Kylian Mbappe yimid xagaagan.
Rodrygo ayaa waxa loo diiwaan geliyay seddex gool iyo labo caawin 15 kulan oo uu saftay <span;>Los Blancos xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.
Qandaraaskiisa ayaa dhacaya ilaa 2028 laakiin Liverpool waxa ay diyaar u tahay in ay tijaabiso go’aanka kooxda LaLiga oo ay u soo bandhigtay dalab aad u badan.