Kooxda Aston Villa ayaa garoonkeeda Villa Park ku marti galin doonta kooxda Juventus Arbacada,iyaga oo isha ku haaya in ay sii wadato qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan tartanka champions League.
Kooxda Aston Villa ayaa saddex guul ka soo heshay afar kulan oo UEFA Champions League ah xilli ciyaareedkan, oo ay ku jirto guushii cajiibka ahayd ee ay ka gaadheen Bayern Munich, iyagoo isku diyaarinaya inay Juventus ku soo dhaweeyaan Villa Park Arbacada.
Juventus ayaa ku jirta kaalinta 11-aad ee kala saraynta UEFA Champions League iyada oo xilli ciyaareedkan soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah. Bianconeri ayaa 0-0 ku kala baxeen AC Milan kulankoodii hore waxayna u baahan doonaan inay sare u qaadaan usbuucan.
Dhanka kale Aston Villa ayaa ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta champions League waxana ay kor u kacday xilli ciyaareedkan.
Kooxda martida loo yahay ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Crystal Palace isbuucaan, waxaana ay u baahan doontaa inay si fiican u soo qaadato kulankaan.
Xaqiiqoyinka Kulanka Aston Villa Vs Juventus.
●Juventus ayaan wax guuldaro ah la kulmin lixdii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyada oo badisay laba kulan intii ay socotay.
●Aston Villa ayaa laga badiyay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.
●Aston Villa ayaa laga dhaliyay kaliya hal jeer afartii kulan ee ugu dambeysay Champions League.
●Juventus ayaa laga dhaliyay shan gool afar kulan oo ay ciyaartay Champions League.
●Juventus ayaa shabaqeeda ilaashatay saddex kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
●Juventus ayaa rikoor fiican ka heysata kooxda Aston Villa ee marxaladda Yurub, waxaana ay badiyeen labadii kulan ee ay wada ciyaareen labada kooxood. Aston Villa ayaan waligeed ka badin Juventus kulan rasmi ah oo ka tirsan tartanka UEFA Champions League.
●Kulankii hore ee Aston Villa iyo Juventus waxa uu dhacay koobkii Yurub sanadkii 1983 dii waxa uuna ku dhamaaday 5-2 ay guushu ku raacday Juventus.
●Juventus ayaa badisay 3 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda ku wajahday kooxo ka socda England tartamada waaweyn ee Yurub, iyadoo booqashadoodii hore ay ku soo dhamaatay 4-0 oo ay guuldaro kala kulmeen Chelsea tartanka UEFA Champions League bishii November 2021.
●Juventus ayaa badisay kaliya hal kulan todobadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartanka UEFA Champions League.