Kooxda Tottenham Hotspur ayaa ku xasuuqay garoonka Etihad Stadium oo ay ku ciyaarto Man City kadib markii ay uga adkaatay 4-0 kulan ka tirsanaa horyaalka waddanka Ingariiska ee Premier League.
Goolasha Tottenham Hotspur waxaa u wada dhaliyay James Maddison oo ka dhaliyay Citizens 2-gool iyo Pedro Porro iyo sidoo kale <span;>Johnson.
Xaqiiqoyinka Laga Diiwaan Galiyay Kadib Kulanka Man City Vs Tottenham Hotspur.
●Rikoodhka guuldaro la’aanta ee Man City ee gurigeeda horyaalka ayaa soo dhamaaday kadib markii gurigooda looga adkaaday 4-0.
●Spurs ayaa guul ka gaartay labada Man Utd & Man City isla xilli ciyaareedkan Premier League markii ugu horeysay taariikhdooda
●Manchester City waa kooxdii ugu horeysay ee difaacaneysa horyaalka heerka koowaad ee laga badiyay shan kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan tan iyo Chelsea bishii March 1956. Lama rumeysan karo.
●James Maddison waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Spurs ah ee dhaliya gool Premier League dhalashadiisa tan iyo Christian Eriksen 2016, kaasoo sidoo kale ka hor yimid Manchester City.
●Pep Guardiola ayaa laga badiyay shan kulan oo xiriir ah markii ugu horeysay xirfadiisa tababarenimo. 🤯
◉ Guuldaradii ugu horeysay: 2-1 vs Spurs.
◉ Guuldaradii shanaad: 0-4 vs Tottenham.
●Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee uu kulan Premier League ah gurigiisa looga badiyo 4+ gool isagoo tababare u ah Man City.
●Hadda waxa laga badiyay kulamo badan oo ay la ciyaareen Tottenham marka loo eego kooxaha kale ee uu ka horyimid xirfadiisa tababarenimo Guardiola (9). 👀