Kooxaha ugu waa wayn horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A AC Milan iyo Juventus ayaa ku kulmaaya qalcadda San Siro oo ay ku ciyaarto kooxda Milan.
Juventus ayaa ku jirta kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka Serie A-da iyada oo aan wali wax horumar ah ka samayn horyaalka xilli ciyaareedkan.
Bianconeri ayaa 2-0 kaga badisay Torino kulankoodii hore waxayna eegi doonaan inay gaaraan natiijo la mid ah isbuucaan.
Dhanka kale AC Milan ayaa ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo xilli ciyaareedkan aan si joogto ah bandhig fiican ku jirin.
Kooxda Rossoneri waxa ay barbaro 3-3 ah la gashay Cagliari ka hor fasaxa caalamiga ah waxayna u baahan yihiin in ay soo laabtaan si ay guul uga gadhaan Juventus.
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Juventus ayaa rikoor fiican oo taariikhi ah ka haysata AC Milan waxayna badisay 93 ka mid ah 241 kulan oo ay labada kooxood ciyaareen, halka AC Milan ay badisay 70 kulan.
●AC Milan ayaa kaliya labo gool laga dhaliyay todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Juventus horyaalka Seria A ilaa 2021.
●Kooxda AC Milan ayaa 34 bareejo garoonkeeda kula gashay kooxda Juventus kulan ka tirsan Seri A waxayna 8-jeer ka badan tahay inta ay la ciyaartay kooxaha kale taariikhda tartanka.
●Kooxda Juventus ayaa shabaqeeda ilaashatay 10-ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).
●Kooxda Juventus ayaan laga badinin 20kii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).
●Kooxda Juventus ayaa waxa ay dhalinesay ugu yaraan 2 gool 4-tii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).
Shaxaha Macquulka Ah.
Shaxda Macquulka Ah Ee AC Milan:
Maignan; Emerson, Thiaw, Gabbia, Hernandez; Fofana, Reijnders; Chukwueze, Pulisic, Leao; iyo Morata.
Safka macquulka ah ee Juventus:
Di Gregorio; Savona, Kalulu, Gatti, Cambiaso; Locatelli, Thuram; Conceicao, Koopmeiners, Yildiz; iyo Weah.