Manchester City ayaa hoggaanka u haysa tartanka loogu jiro adeega xiddiga khadka dhexe kooxda Atalanta ee Ederson xilli ay xiiseenayan kooxaha Juventus iyo PSG.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Calciomercato, kooxaha Manchester City, Juventus, iyo PSG ayaa dhamaantood doonaya inay xoojiyaan khadkooda dhexe isla markaana ay lasoo wareegaan xiddiga khadka dhexe Atalanta ee Ederson.
Kooxda Pep Guardiola ee City ayaa la rumeysan yahay inay tahay kooxda hoggaamineysa tartanka loogu jiro saxiixiisa xilligan.
Kooxda Serie A ka dhisan ayaan wax dan ah ka lahayn inay kala xaajooto bixitaankiisa bartamaha xilli ciyaareedka.
Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Brazil ee Ederson ayaa kasoo muuqday in ka badan 100-kulan kooxda Atalanta waxaana uu ka mid noqday mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu fiican Talyaaniga.
Waxa uu qayb weyn ka qaatay guulihii ay ka gaadheen Europa League xilli ciyaareedkii hore, waxana uu qaab ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ka caawiyay in uu ku biiro xulka qaranka Brazil.
Kooxaha sida Manchester City, Juventus iyo PSG, ayaa waxay doonayaan saxiixiisa waa inay sugaan ilaa xagaaga.