Macalinka hoggaamiyo kooxda Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa doonaaya inuu helo adeega xiddiga kooxda Arsenal ee Oleksandr Zinchenko.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Fichajes, Oleksandr Zinchenko ayaa laga yaabaa inuu ka tago Arsenal xagaaga soo socda kadib markii uu boos joogta ah ka waayay macalin Mikel Arteta.
Daqiiqado la’aanta iyo xaaladiisa qandaraaska ayaa keentay inay si weyn u xiiseeyaan kooxda Inter Milan taas oo u sahli karta inay keenaan Giuseppe Meazza.
Kadib markii uu magac yeeshay markii uu u ciyaarayay Manchester City, Zinchenko waxa uu u dhaqaaqay Arsenal xagaagii 2022.
Macalin Mikel Arteta ayaa waxa uu door wayn ka qaatay inuu kusoo biiro kooxda Waqooyiga London, ee Arsenal Zinchenko laakin, wax badan ayaa isbedelay goor dambe.
Inkasta oo xiddiga heerka caalami ee dalka Ukraine uu ka soo muuqan karo bartamaha garoonka iyo sidoo kale khadka dhexe, haddana uma muuqato inuu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasha maamulaha Isbaanishka.
Gunners ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u ahayd inay iska iibiso xagaagan xididga Zinchenko balse ay ku fashilmeen.
Ololaha socda, waxa uu ku lug lahaa shan ciyaarood oo kaliya waxana uu ciyaaray in ka yar 200 oo daqiiqo.
27-sano jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa ka careysan daqiiqado la’aanta wuxuuna ka fiirsanayaa mustaqbalkiisa kooxda, iyada oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2026, Inter Milan ayaa doonaysa in ay si fiican uga faa’iidaysato xaalada isla markaana ay heshiis qiimo dhimis ah kula wareegto.
Inter ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo saxiixa Zinchenko oo ka tirsan Gunners.
Kooxda reer Talyaani ayaa dooneysa inay kooxdeeda ku soo kordhiso xiddigo tayo badan.
Waxay rabaan inay keenaan xiddig khibrad badan leh oo wax badan kusoo kordhin kara islamarkaana boosas badan ciyaari kara waana Zinchenko wuxuuna u muuqda inuu ku habboon yahay mashruucooda.
Kaliya hal sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa xagaaga soo aadan, tan iyo markii uu hoos ugu dhacay booskiisa joogtada ah ee ku lahaa kagadal Arteta ayaana kursiga kaydka ku iloobay, Inter ayaa heysata fursad macquul ah oo ay kula soo saxiixan karto.
Inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka Ukraine uu jeclaan lahaa inuu ku sii socdo Premier League, wuxuu tixgelin karaa inuu qayb muhiim ah ka noqdo mashruuca xiisaha leh ee Inter..
Inter ayaa qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo xagaaga soo socda waxana ay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko in wadahadaladu ay hore ay bilaabanayan bilaha soo socda.