Leroy Sane ayaa xaqiijiyay in uu wadahadalo kuka jiro Bayern Munich oo uu ku aadan qandaraas kordhin islamarkaana uu kusii joogaayo qalcadda Allianz Arena.
Weeraryahanka Jarmalka ayaa galay sanadkiisa ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa kooxda Bavaria, iyadoo Barcelona ay qorsheyneyso inay keento Camp Nou sanadka 2025.
Catalans-ka waxa ay horeba u haysataa Lamine Yamal iyo Raphinha laakiin waxa ay wali doonayaan in ay xiddigo badan ku soo kordhiyaan shaxdooda.
Sane ayaa loo aqoonsaday inuu kamid yahay xiddigaha ay doonayaan Barcelona inay lasoo wareegaan, kadib markiii ay arkeen xaaladiisa qandaraaska taas oo ka dhigeysa mid faa’iido badan u leh kooxda LaLiga.
28-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday waqtiga ciyaarta inta uu joogo Vincent Kompany xilli ciyaareedkan, isagoo loo diiwangeliyay seddex gool 11 kulan oo laba kamid ah kusoo bilowday tartamada oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay hadda u muuqataa in Bayern Munich ay si adag ugu hayso qorshahooda mustaqbalka iyaga oo qandaraas cuusb ka saxiixi doono dhawaanahan si uu usii joogo Munich.
Sida uu soo xigtay saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano, Jarmalku wuxuu dhawaan sheegay inuu ku dareemayo raaxo garoonka Allianz Arena.
“Waxaan ku jirnaa wadahadal, waxaan ku dareemayaa raaxo Munich. Waxaan dareemayaa raaxo runtii. Wadahadaladu aad bay u wanagsan yihiin. Waxaan diirada saarayaa kaliya FC Bayern,” ayuu yiri Sane.
Sane ayaa sidoo kale khibrad u leh ka ciyaarista Premier League maadaama uu usoo ciyaaray Manchester City.