Tababaraha kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa isha ku haaya inuu lasoo saxiixdo 27 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Marcus Thuram.
Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u doonayo saxiixa weeraryahanka Inter Milan re Marcus Thuram waxaana lagu burburin karo 85 milyan oo euro.
Sida laga soo xigtay warbixin ka soo baxday Gazzetta dello Sport, weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Marcus Thuram aya laftiisu waxa uu ku faraxsan yahay inuu sii joogo kooxdiisa haatan ee Serie A
Xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa qandaraas kula jira Nerazzurri ilaa xagaaga 2028, waxaana la sheegay in qandaraaskiisa haatan lagu burburin karo 85 milyan euro.
Iyadoo ay taasi jirto, waxay u muuqataa in weeraryahanka uu doonayo inuu ka caawiyo Simone Inzaghi kooxdiisa inay gaarto meel sare.
27-sano jirkaan ayaa si weyn uga dhex muuqday Inter ololahan, isagoo dhaliyay sideed gool iyo shan caawin 15 kulan oo uu saftay tartamada.
Thuram ayaa ah weeraryahan ka ciyaari kara booska lambarka 9-aad iyo sidoo kale ka hawlgali kara dhanka bidix.
Mustaqbalka xiddiga kooxda Liverpool iyo xulka Egypt ee e Mohamed Salah ayaa haatan lagaa yaabaa inuu isaga hayaamo qalcadda Anfield haddii uusan u saxiixin qandaraas cusub kooxdiisa Reds oo uu kusii joogaayo Anfield, waxayna doonayaan inay ku beddalaan Marcus Thuram xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah.
Inter waxa ay ku jiraan kaalinta afaraad ee kala sarreynta Serie A, iyagoo dhibic kaliya ka hooseeya Napoli oo hoggaanka heysa