AC Milan ayaa door bidi doonta in aysan iibin Christian Pulisic sanadka soo socda laakiin waxa ay heli doontaa dalabyo ka badan 60 milyan oo euro iyada oo lala xiriirinayo Liverpool, Manchester United iyo West Ham United.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jariiradda Calciomercato ee Talyaaniga, kooxaha Liverpool, Manchester United, iyo West Ham United ayaa xiiseynaya inay Christian Pulisic ku soo celiyaan Premier League.
Kooxda AC Milan ayaa door bidi doonta inaysan ku fassxin qaab sahlan oo ku aadan 26 jirkan, inkastoo kooxda Serie A laga yaabo inay madaxeeda u weeciso dalabyo qiimihiisu ka badan yahay 60 milyan euro.
Christian Pulisic ayaa dib u soo nooleeyay waayihiisa cajiibka ah tan iyo markii uu AC Milan kaga soo biiray Chelsea bishii July 2023.
Si kastaba ha ahaatee, Pulisic ayaa ku riyaaqay isbadal cajiib ah oo uu sameeyay, waxaana uu ka qayb qaatay 12 gool 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo shabaqa soo taabtay todoba jeer isla markaana caawiye ka noqday shan gool.