Kooxda Manchester City ayaa kalsooni ku qabta inay heshiis cusub ka saxiixdo Erling Haaland oo uu kusii joogaayo qalcadda Etihad Stadium sanadaha soo socda
Sida laga soo xigtay warsidaha The Mirror, Manchester City ayaa ku kalsoon in Erling Haaland uu saxiixi doono heshiis cusub si uu u sii dheereeyo sii joogistiisa Etihad.
Qandaraaska uu hadda kula jiro Citizens xiddiga reer Norwey ee Haaland ayaa waxaa ka harsan labo sano iyo bar, Cityzens ayaana aad u dooneysa inay ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Premier League.
Erling Haaland ayaa sii wato qaab ciyaareedkiisa gool dhalinta ee Manchester City, madaxda kooxda waxay rajo ka qabaan in weeraryahanku sii joogi doono mustaqbalka dhow Manchester City.
Xiddiga reer Norway ee Haaland waxaa uga haray labo sano iyo bar qandaraaskiisa, wuxuuna ka qaataa Citizens £375,000 todobaadkii, taasoo wax yar ka yar £400,000-oo gini todobaadkii uu ka qaato saaxiibkiis Kevin De Bruyne.
Saaxibkiida ee Kevin De Bruyne ayaa ah ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Premier League xilligan, iyadoo Manchester City ay aad u xiiseyneyso inay Haaland u soo bandhigto dalab ka badan xiddiga reer Belgian.
Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda ay doonayso inay Haaland u soo bandhigto dalab la yaab leh oo dhan 500,000 oo ginni isbuucii, oo aysan ku jirin gunnooyinka, taas oo ka dhigi doonta ciyaaryahanka ugu mushaarka badan horyaalka.
Wadahadalo dheeri ah oo lala yeeshay Haaland ayaa lagu soo gabagabeeyay in 24-sano jirkaan uu u furan yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub kaas oo kordhin kara sii joogista ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2028-29, isagoo labo sano oo dheeri ah ku kordhinaya heshiiskiisa.
Haaland waxa xiiseenaaya kooxo badan oo waa weyn oo ay ku jiraan Chelsea, Real Madrid,Barcelona, PSG, Al-Nassr, iyo kooxo kale.
Wararka qaar ayaa soo jeedinaya inuu u dhaqaaqi karo qalcadda Bernabeu xagaaga soo aadan.
Qandaraaskiisa haatan waxa lagu burburin karaa in ka badan 150 milyan ginni, balse Manchester City ayaa dooneysa inay gabi ahaanba meesha ka saarto oo ayka dhigto £200M oo ginni..