Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa Takefusa Kubo oo ka tirsan Real Sociedad suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.
23 jirka reer Japan ayaa haatan u ciyaara kooxda Real Sociedad, waxaana qandaraaskiisa kooxda La Liga uu dhacayaa ilaa xagaaga 2029.
Sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes, Liverpool ayaa isha ku heysa xaalada Takefusa Kubo, waxayna diyaar u tahay inay 80 milyan euro ku soo bandhigto garabka midig.
Kubo, ayaa Real Sociedad kaga soo biiray kooxda Real Madrid sanadkii 2022, waxaana uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Real Sociedad xilli ciyaareedyadii u dambeeyay.
Waxa uu dhaliyay seddex gool 16 kulan oo tartamada oo dhan ah kooxda La Liga ilaa haatan xilli ciyaareedkan.
Iyadoo tababaraha Liverpool Arne Slot uu doonayo inuu xoojiyo kooxdiisa, gaar ahaan weerarka, Takefusa Kubo ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ikhtiyaar ku habboon.
23-sano jirkan ayaa laga yaabaa inuu ka bedelo Mohamed Salah garabka midig, ee weerarka kaas oo qandaraaskiisa Reds uu dhacayo xagaaga soo aadan.
Guud ahaan, Takefusa Kubo waxa loo diiwaan-geliyay 19 gool iyo 14 caawin 101 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan kooxda Sociedad.
Waa la arki doonaa dabcan hadii Liverpool ay dalab rasmi ah ka gudbiso ciyaaryahanka marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.