Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa inay wajahdo Celta Vigo kulan ka tirsan LaLiga oo ka dhici doona Balaidos Sabtida, 23 bisha November. Kooxda Hansi Flick ayaa badisay 11 kulan, waxaana laga badiyay laba kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, waxayna hoggaanka u haayaan horyaalka kadib 13 kulan.
Barcelona ayaa heshay war farxad u ah oo ku aadan saxiixa xiddiga kooxda Sporting CP iyo xulka Sweden ee Viktor Gyokeres sanadka 2025.
Viktor Gyokeres ayaa ka dhawaajiyay inuu ka tagi karo Sporting CP sanadka soo socda.
Weeraryahanka Swedishka ah ayaa soo jiitay kooxaha ugu waa wayh ee qaaradda Yurub sida Barcelona Man United Man City PSG iyo kooxo kale.
Gyokeres ayaa waxa loo diiwaan galiyay 43 gool iyo 15 caawin 50 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu sii waday qaab ciyaareedkiisa ololahan, isagoo dhaliyay 23 gool iyo afar caawin 18 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Barcelona waxa ay ku faraxsantahay dadaalkiisa waxana ay u cadaysay 26 jirkan in uu yahay badalka Robert Lewandowski.
Weeraryahanka reer Poland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu noqon doonaa 37 jir bisha August ee soo socota.
Isagoo dhawaan hadlayay, sida uu soo xigtay Fabrizio Romano, Gyokeres wuxuu sheegay inuusan ka tagi doonin Sporting ilaa iyo jiilaalka.
Wuxuu hadalkiisa ku bilaaabay: “Waxaan doonayaa inaan xilli ciyaareedkan ku dhameysto Sporting. Waan jeclahay halkan Naadi cusub? Waan arki doonaa marka wakhtigu yimaado. Waxaan rabaa inaan ciyaaro, taasi waa muhiim… sidoo kale waxaa jiri doona arrimo kale,” ayuu yiri Gyokeres”.
Iyadoo maareeyihii hore ee Sporting Ruben Amorim uu qabtay Manchester United isbuucii hore, Red Devils ayaa noqon karta kuwa ugu cadcad tartanka loogu jiro xiddiga reer Sweden ee Victor Gyokeres xagaaga soo socda.