Kooxda Real Madrid ayaa indhaha ku haysa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Everton iyo xulka Ingiriiska ee Jarrad Branthwaite, sida laga soo xigtay Football Insider.
Kooxda ugu guulaha badan tartanka LaLiga ee Real Madrid ayaa la filayaa inay suuqa gasho bisha Janaayo si ay wax uga qabato xaaladda dhibaatada dhaawaca ay qabaan dhowr ciyaaryoy oo ka tirsan Madrid.
David Alaba ayaan wali ku soo laaban garoomada sanadkan isaga oo dhaawac ku maqan, halka Eder Militao uu maqnaanayo inta ka dhiman xilli ciyaareedka kadib markii uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dhabka jilibka ah.
Carlo Ancelotti ayaa haatan gabaabsi ku ah dooqyada daafaca wuxuuna raadinayaa xal uu ka gaaro dhibaatada dhaawac kooxda ku habsatay.
Maamulka Santiago Bernabeu ayaa in muddo ah isha ku hayay Branthwaite.
Laacibka reer England aad ayuu wacdaro uga dhigay Everton waxana sidoo kale doonayso Manchester United.
Ancelotti ayaa taageere u ah ciyaaryahanka, isagoo kala soo shaqeeyay Goodison Park.
Kooxda heysata horyaalka LaLiga ayaa ka warqabta in 22-sano jirkaan lagu helin karin fudud maadaama lagu qiimeeyo 70 milyan ginni.
Si kastaa ha ahaatee, Real Madrid ayaa diyaar u ah inay isku daydo inay gacanta kusoo dhigto xiddiga heerka caalami ee dalka Ingiriiska ee Branthwaite