Kooxaha Barcelona iyo PSG ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya xiddiga kooxda Napoli iyo xulka Georgia ee Khvicha Kvaratskhelia, iyada oo kooxda reer Talyaani ay diidan tahay inay buuxiso shuruudaha xiddiga uu doonaayo in la dhameestiro.
Barcelona ayaa si dhow isha ugu haysa xaalada Khvicha Kvaratskhelia oo ka tirsan Napoli, sida laga soo xigtay Sky Italia.
Qandaraaska weeraryahanka reer Georgia ee kooxda ka dhisan Serie A ayaa wuxuu dhacayaa 2027 labada dhinac ayaa dhowaan kulmay si ay uga wada hadlaan heshiis cusub oo waqti dheer ah.
Napoli ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Kvaratskhelia dalab gaaraayaa 6-milyan euro sanadkii inuu ka qaato kooxda.
Dalabkan ayaa ah mid hooseeyaa narka loo eego rajada ciyaaryahanka, iyadoo 23-sano jirku uu doonaayo inuu qaato €8milyan oo euro mushaharka sanadlaha ah.
Si kasta ha ahaatee, Kvaratskhelia ayaa diyaar u ah in uu aqbalo mushahar dhimis haddii ay kooxdu oggolaato in lagu burburin karo heshiiskiisa wax ka yar 100 milyan euro.
Kooxaha Barcelona iyo PSG ayaa ku loolamaaya xiddiga heerka caalami ee dalka Georgia ee Kvaratskhelia kaas oo ay u badan tahay inuu isaga hayaamo qalcadda Diago Armando Maradona oo aay ku dheeso Napoli.
Sikastaba xaalada ciyaaryahanka ayaa hakad galay wadahadaladii, taas oo ku qasabtay kooxaha ka dhisan qaarada Yurub inay wax ka ogaadaan.
Paris Saint-Germain ayaa wakhti dheer la dhacsan Georgian waxayna u dhaqaaqi kartaa 2025.
Sida laga soo xiganaayo warsidaha, La Repubblica ayaa dhawaan sheegay in Barcelona ay diyaarinayso dalab 80 milyan oo euro ah oo ay ku doonayso xiddiga.
Xiddiga reer Georgia ayaa loo diiwaan geliyay shan gool iyo labo caawin kadib14 kulan oo uu u ciyaaray kooxda uu hoggaamiyo macalin Antonio Conte ee Napoli xilli ciyaareedkan.
Napoli ayaa hadda hogaanka u haysa horyaalka Seria A kadib 12 kulan oo ay ciyaartay,waxana ay dhibic ka saraysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atalanta.