Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Jamal Musiala ayaa ka warbixiyay xaaladda mustaqbalkiisa kadib markii lala xiriiriyay kooxaha Man City Barcelona Real Madrid iyo Man United.
Jamal Musiala ayaa soo jeediyay inuu go’aan rasmi ah uu ka gaaraaya mustaqbalkiisa sida ugu dhaw, iyada oo Bayern Munich ay u dagaallameyso inay xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ka saxiixdo qandaraas cusub oo waqti dheer ah oo uu ku sii joogayo Allianz Arena.
Mustaqbalka weeraryahankan ayaa haatan ah mid si weyn loo hadal hayo, maadaama heshiiskiisa haatan ee Munich uu ku eg yahay June 2026, waxaana la sheegay inay isha ku haayaan kooxo badan oo Yurub ah.
Kooxaha Manchester City, Manchester United, Barcelona iyo Real Madrid ayaa dhamaantood doonaaya in ay gacanta kusoo dhigaan adeega xiddiga reer Germany ee Musiala, kaas oo markale qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigay heerka kooxeed xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 9 gool isla markaana loo diiwaan galiyay afar caawin 14 kulan oo uu saftay.
21-sano jirkan ayaa sidoo kale dhaliyay labo gool waxaana loo diiwaan galiyay seddex caawin seddexdii kulan ee uu u saftay Jarmalka xilli ciyaareedkan, oo uu ku jiro gool uu dhaliyay kulankii uu dalkiisa 7-0 kaga badiyay Bosnia-Herzegovina habeenimadii Sabtida.
Kooxda Bayern ayaa dadaal xoogan ugu jirta inay heshiis cusub ka saxiixdo Musiala kaas oo uu kusii joogaayo qalcadda Allianz Stadium dhowr sano.
Jamal Musiala ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa kadib markii uu Germany u matalay tartanka UEFA Nations League, waxaana uu soo jeediyay in go’aan ka gaarayo mustaqbalkiisa fasaxa jiilaalka soo socda ee Jarmalka.
“Waxaa muhiim ii ah inaan taam u ahaado oo aan u guto wax qabadkeyga ilaa aan ka helayo waqti yar oo aan ku dejiyo qorshahayga. Markaa waxaan qaadan karaa waqti aan kaga fikiro wax walba. Waxaan u maleynayaa inaan wax badan ogaan doono inta lagu jiro fasaxa jiilaalka,”Musiala ayaa u sheegay RND.
Bayern ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay u kordhiso mushaarka uu hadda qaato, iyadoo kooxda reer Jarmal ay go’aansatay inaysan lumin mid ka mid ah hantideeda ugu wanaagsan marxaladda hore ee xirfaddiisa.
Musiala ayaa horaantii bishaan sheegay inuu ku faraxsan yahay Munich, laakiin wuxuu diiday inuu wax badan bixiyo marka ay timaado mustaqbalkiisa, iyadoo wadahadalo u dhexeeya wakiiladiisa iyo Bayern ay haatan marayaan heer xasaasi ah.
Weeraryahanka ayaa Bayern uga soo biiray Chelsea 2019, waxaana uu u soo ciyaaray kooxda Munich 177 jeer tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 52 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 35 caawin.