Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dayayo inuu Mohamed Salah ku qanciyo inuu ku biiro Al-Nassr xagaaga soo aadan.
Xiddiga reer Portugal ayaa doonaya in uu ku soo kordhiyo awood dheeraad ah oo kooxdiisa Al-Nassr,waxana uu aaminsan yahay in xiddiga Liverpool iyo xulka Egypt ee Salah uu wax weyn ku soo kordhin doono kooxda Al-Nassr, haddii uu ku biiro.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday El Nacional, Salah waxa uu bartilmaameed u yahay naadiyada Pro League ee Sucuudiga xagaaga soo socda, Ronaldo waxa uu isku dayayaa in uu intii karaankiisa ah uu kusoo biiriyo Al-Nassr.
Xiddiga Liverpool ayaan weli saxiixin heshiis cusub waxana uu noqon doonaa mid xor ah marka uu xilli ciyaareedka dhamaado.
Wargeyska Isbaanishka ayaa intaa ku dartay in Liverpool ay dhageysan karto dalabyada weeraryahanka marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Bariga Dhexe ayaa ku qasban inay bixiso wax ka badan € 100m, inkastoo weeraryahanka ay bilo ka harsan tahay heshiiska.
Ronaldo ayaa si toos ah ula hadlay xiddiga Liverpool sida lagu sheegay warbixinta waxana uu ku riixayaa in uu xiddigan u badalo.
Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in Reds ay doonayso in ay qandaraaska u kordhiso xiddiga reer Masar ayaa sidoo kale isha ku haya in uu sii joogo Anfield wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.
Al Ittihad ayaa dalab u dirtay Salah xagaagii 2023 laakiin weeraryahanka waa uu sii joogay.
Wararka ayaa sheegaya in dalabka uu ka badan yahay 100 milyan oo euro, laakiin Liverpool ayaa diiday iyada oo aan wax dib u dhac ah ku iman.
Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhiiri galin ka helay Cristiano Ronaldo,Mohamed Salah ayaa u magacaabay Cristiano Ronaldo mid ka mid ah ciyaartoydii uu eegayay islamarkaana uu ku dayan jiray inuu yahay Ronaldo markii uu bilaabay inuu ka ciyaaro Yurub.
Wuxuu shaaca ka qaaday Salah in anshaxa uu leeyahay shaqadiisa si fiican u guto xiddiga reer Portugal ay tahay dhiirigelintiisa ugu weyn wuxuuna u sheegay kanaalada warbaahinta Liverpool:
Salah ayaa lix jeer ka horyimid Ronaldo koox iyo wadan. Waxa uu mas ku guuleystey kaliya hal mar – 5-0 uu ku badiyay Liverpool garoonka Old Trafford – waxaana laga badiyay shanta jeer ee kale.