Cristiano Ronaldo ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu ka fariisto ciyaaraha labada sano ee soo socota.
Halyeyga reer Portugal ayaa weli kamid ah xiddigaha ugu waa wayn ee kubadda cagta, isagoo dhaliyay labo gool oo ay ku jiraan laad baaskiilka cajiibka ahaa oo uu ka dhaliyay xulka Poland Jimcihii kadib markii ay 5-1 ku xasuuqeen kooxda uu hogaamiyo Roberto Martinez.
Ronaldo, kaas oo qaab ciyaareed heersare ah ku soo bandhigay Al-Nassr xilli ciyaareedkan, waxa uu noqon doonaa 40 jir bisha February sidaas oo ay tahay, naadigiisa Sacuudiga ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirta iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Saxiixa heshiisyada cusub ilaa 2026 kaliya uma oggolaan doonto Saudi Pro League inay ka wada xaajoodaan heshiis wanaagsan, oo faa’iido badan leh, laakiin waxay sidoo kale u ogolaan doontaa Ronaldo inuu si joogto ah u ciyaaro ilaa Koobka Adduunka ee Waqooyiga Ameerika.
Tartankan, Ronaldo ayaa hadda daaha ka qaaday, inuu noqon doono kiisii ugu dambeeyay haddii uu xitaa sidaas sameeyo.
Labadii gool ee uu ka dhaliyay Poland, Ronaldo ayaa waayihiisa xirfadeed dhaliyay 910-gool ciyaarta ka dib, waxa ay saxafiyiintu waydiiyeen inuu 1000 gaadhi doono iyo in kale.
“Waxba igama galin 1000 gool, in aan rabo waa wax iska caadi ah, laakiin kama fikirayo taas” ayuu ku jawaabay Ronaldo”.
“Waxaan qorsheynayaa in aan ka fariisto ciyaaraha, waxayna ku dhici doontaa hal ama labo sano gudahood, waa inaan ku raaxaysto waqtiga iyo kubada cagta”.
“Waa in aan aado tababarka iyo ciyaarta si dhiirran, markii aanan sidaas dareemin waxaan qaadi doonaa tallaabo hore loo qaado oo aan dhaho hadda iiguma sii jirto, waxaan noqonayaa 40 jir, waa inaan si fudud u qaataa oo ku raaxaysto, waxa aan jeclahay waa u ciyaarista xulka qaranka.”
Isaga oo ka hortagaya dhaawac kasta oo halis ah oo ku yimaada ama qorshaha isbeddelka ah, Ronaldo ayaa la filayaa inuu kabihiisa xidho kadib markii uu ka qayb galo Koobka Adduunka 2026.