Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseynayaan inay helaan adeega gooldhaoiyaha kooxda West Ham United ee Mohammed Kudus.
Sida laga soo xiganaayo wargayska Football Insider, Mohammed Kudus ayaa weli ku jira liiska raadaarka Arsenal. Gunners ayaa isku dayi doonta in ay u dhaqaaqdo xiddiga weerarka kooxda West Ham United xagaaga dambe.
Tan iyo markii uu ku soo biiray Hammers xagaagii 2023, xiddiga heerka caalami ee dalka Ghana ayaa kamid noqday xiddigaha ugu muhiimsan West Ham United.
Qandaraaska uu kula jiro West Ham 24-sano jirka kasoo jeeda Ghana ee Kudus ayaa wuxuu soconayaa ilaa xagaaga 2028, waxaana jira ikhtiyaar uu ku kordhin karo 12 bilood oo kale oo dheeri ah laakiin waxaa laga yaabaa inuusan ku sii jiri doonin waqti dheer.
Mohammed Kudus ayaa doonaaya inuu u ciyaaro koox wayn oo ciyaarayso tartanka horyaalka Yurub, waxaana laga yaabaa inuu Arsenal uu ku biiro si uu uga soo muuqdo tartanka UEFA Champions League.
Kudus ayaa la filayaa in uu kooxda sii joogo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku riixi karaa kooxdiisa Hammers in uu u dhaqaaqo xagaaga dambe Gunners markaas oo ay Arsenal doonayso in ay u dhaqaaqdo.
Qandaraska lagu burburin karo xididga heerka caalami dalka Ghana ee Kudus ayaa gaaraaya 85 milyan ginni, haddii ay doonayaan Arsenal inay gacanta kusoo dhigaan adeegiisa, waa inay bixiyaan lacagahaas si ay ula soo wareegaan xagaaga dambe.