Kooxda PSG ayaa diyaarinaysa dalab dhan 250 milyan oo euro si ay u hesho Vinicius Junior, sida laga soo xigtay Fichajes.
Mustaqbalka fog weeraryahanka reer Brazil ee Vinicius ayaa la isla dhexmarayay in muddo ah, inuu ka tagaayo kooxda Madrid, xili ay baadi goobayaan kooxaha ugu tunka wayn ee qaaradda Yurub sida, Manchester City United Chelsea iyo Barcelona in kasta oo Real Madrid ay wali doonayso inay sii haysato.
Vinicius waxa uu ahaa mid aad u fiican Los Blancos xilli ciyaareedkii hore, isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysiga horyaalka La Liga iyo UEFA Champions League.
Waxa uu sidoo kale kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato Supercopa de Espana, wuxuuna ololaha ku dhameystay isagoo dhaliyay 24 gool iyo 11 caawin 39 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Horyaalka Saudi Arabia ayuu dalab xoogan ka helay xagaagii, Vinicius Junior laakiin 24-sano jirkaan ayaa diiday dalabkii ka yimid islamarkaana doortay inuu sii joogo Santiago Bernabeu.
Vinicius ayaa sii wata qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee Real Madrid xilli ciyaareedkan isaga oo loo diiwaan galiyay12 gool iyo 7 caawin 17 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ah.
PSG ayaa ku faraxsan dadaalkiisa, waxayna dooneysaa inay keento qalcadda Parc des Princes. Kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ayaa u aragta inuu yahay bedelka ugu haboon ee Kylian Mbappe, kaasoo ka tagay kooxda kuna biiray Real Mdrid xagaagan.
Si kasta ha ahaatee, Vinicius ayaa weli degan caasimadda Spain mana laha wax rabitaan ah oo uu kaga tagayo kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid.
Vinicius Junior ayaa waxa uu qandaraas kula jiraa ilaa 2027, sidaas darteed Los Blancos wax cadaadis ah ma saarna si ay u fasaxdo xididga heerka caalami ee Brazil.