Hansi Flick ayaa doonaaya inuu la midoobo daafaca kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies kaas oo uu tababare ugu ahaa Munich.
Tababaraha kooxda Barcelona ee Hansi Flick ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in Barcelona ay la soo wareegto 24 jirka daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Alphonso Davies kaas oo diirada u saaran kooxaha Real Madrid iyo Manchester United.
Sida laga soo xigtay saxafiga caanka ah ee Jarmalka Christian Falk, Alphonso Davies ayaa waxaa bartilmaameed ka dhigatay Barcelona islamarkaana ay doonaayan inay keenaan garoonkooda Lluis Company.
Flick ayaa keenaaya kooxda reer Catalan daafaca dambeedka midig Bayern Munich, ee Alphonso Davies iyadoo Manchester United iyo Real Madrid ay sidoo kale ku tartamayaan saxiixiisa.
Kooxaha Blaugrana iyo Red Devils ayaa waxay ka dambeeyaan Los Blancos tartanka loogu jiro saxiixa 24 jirka daafaca ka ciyaara maadaama ay hormuud ay ka tahay tartanka loogu jiro.
Alphonso Davies ayaa ka mid ahaa daafacyada bidix ee ugu fiican adduunka tan iyo markii uu Bayern Munich kaga soo biiray kooxda Vancouver Whitecaps bishii Janaayo 2019.
24 jirkaan ayaa udub dhexaad u ahaa Bayern Munich dhowr sano, isagoo kasoo muuqday in ka badan 200-kulan wuxuuna dhaliyay 11 gool iyo 34 caawin.
Davies ayaa mustaqbal aan la hubin ku wajahaya garoonka Allianz Arena kadib markii uu galay sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, iyadoo labada dhinac ay isku fahmi waayeen wadahadalo heshiis cusub ah.
Kooxaha ugu waa way ee qaaradda Yurub ayaa xiiseenaaya sida, Barcelona, Real Madrid iyo Manchester United.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Kanada ayaa dhawaan kasoo muuqday raadaarka Barcelona, iyadoo Hansi Flick uu doonayo inuu kula midoobo kooxda reer Catalan.