Trent Alexander-Arnold ayaa wadahadalo qandaraas kordhin ah kula jira Liverpool iyaga oo ka caga jiidaya inay bixiyaan mushahar ka badan laba xiddig oo waaweyn.
Wadahadalada qandaraaska ee Trent Alexander-Arnold ayaa hakad ku jira – iyadoo Liverpool ay ka caga jiideyso inay siiso mushaar ka badan kan xididgaha Mo Salah iyo Virgil van Dijk.
Reds ayaa saddexda xiddig kala xaajoonaysa heshiis kordhintooda kuwaas oo dhacaya qabdaraaskooda xagaaga soo socda taas oo xaalada Anfield ka dhigtay mid cakiran.
Isagoo 26 jir ah, Alexander-Arnold ayaa ka yar labadaba Salah, 32, iyo Van Dijk, 33, wuxuuna heli lahaa qiimo aad uga sarreeya, Salah iyo Van Dijk waa haddii ay iibiyaan Reds, saaxiibadiisa, islamarkaana uu mustaqbalkiisa u hibeeyo.
Reds ayaa ka walaacsan haddii ay usoo bandhigto daafac midig ee Arnold hishiis ka wayn labada ciyaaryahan ee Salah iyo Van Dijk ay sababi karto jahwareer wayn oo kooxda dhexdeeda ah, maadaama la maraayo kala bar xilli ciyaareedka.
Reds ayaa samaysay dhawr dalab oo ay ku wanaajinayso heshiiska Alexander-Arnold ee uu todobaadkii ku qaato 180,000 oo Gini wuxuuna xiiso xoogan uu ka helaaya kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain laakiin wali wax heshiis ah lagama gaadhin.
Daafaca England ayaan wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa inkasta oo wargays ka soo baxa Spain uu sheegay in Liverpool ay hore u ogaatay in aanu cusboonaysiin doonin qandaraaskiisa.
Inkastoo uusan weydiisan xididga Arnold inuu la mid noqdo xiddigaha, Van Dijk, iyo Salah, kuwaas oo haatan qaata 220,000 ginni iyo 350,000 ginni isbuucii, waxa uu ka heli karaa lacag ka badan haddi ay ka tagaan Reds oo ay ku biiraan kooxaha PSG iyo Real labadaba.
Kooxda reer Spain ayaa si gaar ah mushaar fara badan iyo lacao gunnoyin ah kusoo jiidata ciyaartoyda uu qandaraaskooda sii dhamaanaayo kadib markii ay kusoo xira gelisay Kylian Mbappe.