Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka West Ham United Mohammed Kudus sanadka 2025.
Sida laga soo xigtay warbixin ka soo baxday Football Insider, Arsenal ayaa u dhaqaaqaysa xiddiga heerka caalami dalka Ghana ee Kudus marka la gaaro bisha Janaayo.
Waxaa la rumeysan yahay in Gunners ay la xiriiri doonto West Ham ciyaaryahankooda si ay ula soo wareegaan xagaaga 2025 si ay ugu xoojiyaan weerarkooda.
Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa waqti dambe ku dhibtooneysay goolasha, sababo la xiriira dhaawacyo soo gaaray ciyaartoyda muhiimka ah ee weerarka.
Halka Bukayo Saka iyo Martin Odegaard ay ku soo laabteen safka hore ee kooxda,labada ciyaaryahan ayaa ka maqnaa kulamadii hore ee ay Arsenal ciyaaren.
Maqnaanshiyaha xiddiga reer Norway ee Odegaard, Gunners ayaa ku guuldareysatay inay badiso mid ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.
Mohamed Kudus ayaa dabooli kara boosas badan waxa uu ciyaari karaa lambar 10 sido kale garbaha weerarka ayuu ciyaari karaa iyo weerarka tooska ah intaba.
Xiddigii hore Ajax ee Kudus ma noqon doono mid raqii ku yimaada garoonka Emirates Stadium haddii ay doonayan inay lasoo wareegaan
Kudus ayaaa waxa uu qandaraas kula jira Hammers ilaa xagaaga 2028, hasa ahaatee Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso 85 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa.