Xidigii hore ee kooxda Chelsea Hakim Ziyech, ahna kabtanka xulka qaranka Morocco, ayaa ku jeesjeesay dhibanayaasha ku waxyeeloobay weerararkii habeen hore lagu qaaday taageerayaasha kubada cagta Israel ee ciyaarta Amsterdam.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayuu ku sheegay in rabshadaha ka dhanka ah taageerayaasha Yuhuuda ay la mid tahay howlgallada ciidamada Israa’iil ay ka wadaan Qaza.
“Haddii aysan ahayn haween iyo carruur markaas way cararaan,” ayuu qoray isagoo la wadaagaya muuqaal taageerayaasha Israa’iil oo ka cararaya kacdoon Falastiiniyiin ah oo taageeraya 11.4 milyan oo raacsan.
“Waa inaan ka fikirnaa xornimada dadka Falastiin,” ayuu raaciyay hadalkiisa xiddiga muslimka ah ee Ziyech”.
Geesta kale rabshadaha ayaa ka dhashay ciyaartii UEFA Europa League ee dhex martay Ajax Amsterdam iyo Macabi Tel Aviv ee Israa’iil habeenimadii Khamiista.
Booliska ayaa shaaciyay in shan qof loo qaaday cisbitaalka, 62 kalana la xiray kadib markii kooxo mayal adag oo taabacsan Falastiin ay bilaabeen inay weerar ku qaadaan taageerayaasha kubada cagta Israel ee bartamihii xalay.
Hakim Ziyech wuxuu u soo ciyaaray Ajax Amsterdam intii u dhaxaysay 2016 iyo 2020, halkaas oo uu ku helay naynaasta caanka ah ee “Wizard” oo ay ula baxeen taageerayaasha kooxda.
Weeraryahaanka kooxda Maccabi Tel Aviv iyo xulka Israel ee Eran Zahavi oo kasoo muuqday kulankii habeenkii khamiista ayaa wuxuu ugu baaqaay UEFA inay ciqaabto xididga dareenkiisa ka hadlay ee Ziyech
Ziyech wuxuu u soo ciyaaray Ajax Amsterdam intii u dhaxaysay 2016 iyo 2020, halkaas oo loogu bixiyay naanaysta caanka ah ee “Wizard” oo ay siiyeen taageerayaasha kooxda.