Kooxda heysata horyaalka dalka Talyaaniga Serie A ee Inter Milan ayaa dalban doonta ku dhawaad 45 milyan oo Yuuro si ay u iibiso kubadsameeyaha reer Turkey ee Hakan Calhanoglu oo 30 jir ah, kaa soo diirada u saaran Manchester City.
Sida laga soo xigtay warsidaha Caught Offside, Hakan Calhanoglu ayaa bartilmaameed u ah kooxda Manchester City, waxayna doonayaan inay keenaan qalcadda EtihadStadium.
Kubad sameeyaha Inter Milan ayaa sidoo kale diirada u saaran Bayern Munich. Dhanka kale, kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa dalban doonta ku dhawaad 45 milyan oo Yuuro si ay isaga fasaxaan 30 jirkan khadka dhexe ka ciyaara.
Hakan Calhanoglu waxa uu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican Serie A tan iyo markii uu yimid Italy bishii Luulyo 2017.
Waxa uu sannadihii ugu horreeyay ku qaatay Jarmalka oo uu ka soo qalin jabiyay qaybta dhalinyarada ee Karlsruher SC kahor inta uusan caan ka noqonin intii uu joogay kooxaha Bayer Leverkusen iyo Hamburger SV.
Calhanoglu waayihiisii ugu horeeyay ee Serie A wuxuu yimid AC Milan, isagoo afar sano la qaatay Rossoneri kahor inta uusan u wareegin Milan isagoo Inter Milan uu ku biiray bishii Luulyo 2021 wuxuuna dhaliyay ldhaliyay 30 gool iyo 24 caawin.
Dhanka kale, Calhanoglu ayaa mustaqbal aan la hubin ku wajahaya Inter Milan kahor suuqa kala iibsiga xagaaga 2025, iyadoo kooxo badan oo magac sare leh oo Yurub ah ay isha ku hayaan isaga.
Bayern Munich iyo Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa kubbad sameeyaha Turkiga. Dhanka kale, Nerazzurri waxa ay dalban doontaa €45 milyan si uu uga tagto Inter.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Man City ayaa ku dhibtoonaysa mustaqbalka fog ee Kevin De Bruyne. Ma cadda in kubad sameeyaha reer Belgium uu heshiis cusub u saxiixi doono Manchester City. Sidaa darteed, Calhanoglu ayay doonayaan inay beddel kaga dhigan De Bruyne.