Real Madrid ayaa isku dayi doonta in ay ku soo laabato wadada guusha marka ay marti galin doonto Osasuna galabnimada sabtida.
Madrid ayaa guuldarooyin xidhiidh ah ku soo gaadhay garoonka Santiago Bernabeu waxayna doonaysa in ay dib ugu soo laabato wadada guulaha ay la ciyaarayaan Osasuna oo qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday ololahan cusub. .
Los Blancos waxa ay ku jirtaa kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka,waxana ay leedahay 24-dhibcood,marka laga reebo waxay sagaal dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona oo uu kulan baaqi u yahay. Inkastoo aysan ku jirin heerkoodii ugu fiicnaa tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka.
Osasuna ayaa ah kooxda kaliya ee ka badisay kooxda hogaanka u haysa La Liga ee Barcelona xilli ciyaareedkan, waxaana ay rajeynayaan inay daba dhigaan oo ay ka badiyaan Real Madrid.
Real Madrid ayaa kulankan wajihi doonta Osasuna, iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigaha muhiimka ah sida, David Alaba, Dani Carvajal iyo Aurélien Tchouaméni kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Inkastoo Thibaut Courtois uu durba bilaabay tababarka dhanka goolka, hadana waxaa shaki laga muujinayaa inuu ciyaari karo kulankaan. Intaa waxaa dheer, Federico Valverde ayaa dhibaato dhabarka ah ka soo gaartay, inkastoo uu tan iyo Khamiista tababar la qaadanayay kooxda.
Xaqiiqoyinka Kulanka:
●Real Madrid ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonka Santiago Bernabeu waxayna soo dirtay todobo gool intii ay socotay.
●Osasuna ayaa laba bareejo ku qabatay Real Madrid seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay u safraan Bernabeu.
●Kooxda martida ah ayaan wax guul ah ka gaarin Los Blancos tan iyo Janaayo 2011.
●Osasuna ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay ciyaartay iyadoo aan hal gool laga dhalin.
●Real Madrid ayaa waxa ay badisay 14-kamid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Osasuna tartamada oo dhan.
●Real Madrid waxa ay badiyeen 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen Osasuna tartamada oo dhan, labada daybook Half time iyo Full-time.
●Real Madrid ayaa waxa ay ka dhalineesay Osasuna ka badan 2.5-gool 3 dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wajahday Osasuna tartamada oo dhan.