Tababaraha kooxda Chelsea ee Enzo Maresca ayaa rajaynaaya inuu helo islamarkaana uu taam u noqdo xiddiga Cole Palmer kulanka London Derby ee wajahayan Arsenal Axadax kadib markii kubadsameeyaha uu ka dhaawacmay jilibka kulankii barbaraha ay la galeen Manchester United todobaadkii hore.
Cole Palmer ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkan 7 gool iyo shan caawin 10 kulan oo Premier League ah, taas oo ka caawisay in Chelsea ay soo fadhiistaan kaalinta afaraad ee kala sarreynta.
Palmer ayaa seegay kulankii Chelsea ay ku xasuuqeen 8-0 kooxda <span;>Noah kaaas oo ka tirsanaa tartanka UEFA Conference League wareegiisa 3-aad. Palmer oo 22-sano jir ah ayaan wax tababar ah qaadan usbuucan.
“Cole wuu soo fiicnaanayaa, xaaladiisa caafimaad ahaan sababtoo ah wuu socon karaa oo waxna wuu cuni karaa macnaheedu maaha inuu si buuxda u taam yahay,” Maresca ayaa yiri.
“Wuu soo roonaanayaa, walina waxaan haysanaa labo maalmood oo aan isugu diyaarino ciyaarta, waxaan rajeyneynaa, inaan yeelano kalfadhi – ugu yaraan Sabtida – ka dibna waxaan qaadaneynaa go’aan.”
Arsenal waxa ay la siman tahay Chelsea 18 dhibcood iyadoo kooxda waqooyiga London ka dhisan ay doonayso inay ka baxdo hoos u dhaca oo ay boos ka hesho tartanka horyaalka iyadoo Liverpool iyo Manchester City ay ka horeeyaan.
“Waxaan jeclahay in aan cadaadis kala kulmo ciyaaraha noocaan ah. Cadaadisku sidoo kale waa anaga, hubaal, waa kuwa ugu dhow City, labadaba waxaan u arkaa inay ka fiican yihiin kuwa kale,” Maresca ayaa yiri.
“Sababta ayaa ah in hal naadi ay la shaqeyneyso hal macalin muddo sagaal sano ah, kooxda kalena ay la shaqeyneyso isla macalin muddo shan sano ah, tani waa faa’iido weyn marka loo eego inta kale.
“Laakiin waxaan isku dayi doonaa inaan ku adkeyno Arsenal kulanka Supersunday ee London Derby Axadda.”
Arsenal ayaa 5-0 ku garaacday Chelsea kulankoodii ugu dambeeyay kahor inta uuna Maresca maamulin wuxuuna tababaraha reer Talyaani sheegay in uu ka feejigan yahay khatartooda.
“Maskax ahaan waxa ay noqon doontaa mid adag kubadaha loo yaqaano Set Pieces ayay ku dheereeyaan, Gunners aad bay u fiican yihiin. Waxaan daawaday ciyaartii Champions League oo ay la ciyaareen Inter Milan, runtii lama qiyaasi karo wax walbana kubadaha Geeska laadka ay soo qaadaan waxay u beddelaayeen gool. Maresca ayaa kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa.”.