Barcelona ayaa qorsheyneysa inay heshiis is dhaafsi ah kula soo wareegto weeraryahanka Dortmund ee Karim Adeyemi, kaas oo loo arki kara Ferran Torres inuu aado Borussia Dortmund, sida laga soo xigtay Fichajes.
Weeraryahanka reer Spain ayaa hoos u dhac ku yimid xilli ciyaareedkan intii uu hogaaminayay Hansi Flick.
Kooxda Catalans waxay heestaan mid ka mid ah weerarrada ugu awoodda badan adduunka xilligan. Seddexda ciyaaryahan ee Robert Lewandowski, Raphinha iyo Lamine Yamal ayaa awood u siiyay kooxda LaLiga inay hogaanka horyaalka qabtaan.
Weeraryahanka reer Poland ayaa dhaliyay 19-ghool waxaana uu caawiyay labo kale 16 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Dhanka kale Raphinha waxa uu dhaliyay 12 gool 10 kalena caawiye ka ahaa isla kulamadaas. Yamal ayaa ku jira bandhig cajiib ah isaga oo dhaliyay lix gool iyo siddeed caawin 16 kulan oo uu ciyaaray.
Barcelona ayaa wali suuqa ugu jirta badalka mustaqbalka fog ee Robert Lewandowski. Si kastaba ha ahaatee, waxay rabaan ciyaaryahan da’yar, firfircoon oo ka soo bixi kara doorar kala duwan.
Adeyemi ayaa lagu soo waramayaa in lagu qiimeeyo 50 milyan oo euro, laakiin Catalans ayaa rajeynaysa in heshiiska isdaahfsiga ah ay iku daraan Ferran Torres dalabkooda. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay tartan kala kulmi karaan Liverpool oo ku aadan 22 jirkaan.
Barcelona waxa ay dhalisay 55 gool 16-kii kulan ee ugu horeeyay tartamada xilli ciyaareedkan, waana goolashii ugu badnaa taariikhda.