Kooxda Saudi Pro League ee Al-Hilaal ayaa isku diyaarinaysa in ay fasaxdo Neymar marka uu dhamaado heshiiskiisa bisha June, laakiin waxa ay isku diyaarinayaan beddelkiisa xiddigii hore ee PSG, waxayna ku beddalayaan midkood Mohamed Salah iyo xididga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo .
Neymar waxa soo gaadhay markale dhaawac halis ah tan iyo markii uu 90 milyan oo Yuuro uga soo wareegay kooxda Al-Hilal 18 bilood kahor PSG, iyada oo uu dhaawac ka soo gaadhay dhanka ACL oo marar badan dhaawac kasoo gaaray halkaasi waqttigiisa ugu badan.
Dhacdadan ayaa imaanaysa kaliya ciyaartiisii labaad ee uu soo laabtay, waxaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo isagoo dhaawac ah.
UOL Esporte ayaa soo warisay in kooxda Sucuudigu ay aad uga niyad jabtay xaaladda taas oo keentay in ay joojiyaan heshiiska Neymar isla bisha January.
Durba Al-Hilal ayaa qorsheynaya nolosha la’aanta xiddiga reer Brazil, kaasoo ku dhibtooday inuu kasoo baxo sida laga filayay maadaama uu qaato mushaar qaaliga ah, waxaana lala xiriirinayaa inuu ku laabanayo kooxdiisa hore ee Santos marka uu qandaraaskiisa dhamaado.
Inter Miami ayaa sidoo kale lagu xamanayaa inay xiiseyneyso isaga, iyadoo Neymar uu iibsaday guri u dhow kooxda Lionel Messi.
Xidiga reer Masar ee Salah ayaa ah xidig heer sare ah oo ka tirsan wadamada Carabta waana ciyaaryahan ay muddo dheer ku taamayeen kooxda Pro League ee Sacuudiga.
Qandaraaska uu kula jiro Liverpool xagaaga, waxa laga yaabaa inuu si xor ah uu ugu Al-Hilal.
Reds ayaa dib u soo celisay dalab 175 milyan euro ah oo Al-Itixaad ay ku doonaysay Salah sanadka 2023, laakiin iyada oo la filayo in ciyaaryahanka uu noqdo mid beea xorta ah haddii uusan jirin isbedel weyn, heshiisku wuxuu u muuqdaa mid macquul ah bilaha soo socda.
Xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayay doonayaan inay beddel uga dhigaan kooxda Al-Hilaal xiddiga dhaawaca ah reer Brazil ee Neymar.
Warsidaha TalkSport, ayaa dhanka kale tilmaamaya in Salah uu beddelaayo xididga reer Brazil ee Neymar.