Mikel Arteta ayaa daaha ka qaaday in Declan Rice uusan u safrin kulanka Arbacada Champions League ee Inter Milan kula ciyaarayaan garoonka San Siro ee magaalada Milano sabatoo ah dhaawac kasoo gaaray owgiis guuldaradii 1-0 ee Premier League ee isbuucaan kasoo gaartay Newcastle United.
Arsenal ayaa caawa kula ciyaari doonta qalcadda San Siro kooxda Inter Milan kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa 4-aad.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa si la yaab leh uga maqnaa tababarka kooxda kahor inta aysan Gunners u duulin Talyaaniga.
Declabln Rice ayaa la xaqiijiyay inuu ka maqan yahay safarka Arsenal ay ku tagayso Milan habeenka arbacada tartanka UEFA Champions League taasoo dhalisay cabsi laga qabo in xididga ku fadhiyo qiimaha 105 milyan ginni ee khadka dhexe uu dhaawac ku maqnaado.
Rice ayaa 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ku jiray garoonka St James’ Park sabtidii, laakiin Arteta ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya ciyaarta ku shaaciyay in 25-jirka ay dhibaato aan la cayimin kasoo gaaray guuldaradii kasoo gaartay Magpies. shaki hore ayaa laga qabaa kulanka Chelsea ee axada.
“Declan nasiib daro waxa uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Newcastle”.
“waxa uu awooday in uu dhamaysto, ciyaarta mana dareemayn wax fiican maalmihii la soo dhaafay, waa in aan qiimaynaa isaga khamiista oo aanu aragno hadii uu diyaar u yahay Chelsea ayuu Arteta u sheegay saxaafada”.