Cristiano Ronaldo shaki la’aan waa mid ka mid ah ciyaartoydii abid ugu fiicnaa ee soo mara kubbadda cagta. Isagoo kasoo dhalaalay kooxaha sida Manchester United, Real Madrid iyo Juventus, waxa uu jabiyay rikoodho badan oo uu ku xoojiyay maqaamkiisa waa gooldhaliyaha ugu sarreya kubadda cagta
Laakiin waa kuwee 39-sano jirka saaxiibadiisa ugu weyn?
Halyayga laftiisu waxa uu fikradiisa ka dhiibtay arrinta sanadkii hore mar uu waraysi siinayay Goal Arabia, iyo Planet Football. Marka la eego tirada kooxaha cajiibka ah uu u soo ciyaaray, Ronaldo waxa uu lahaa tayo badan oo dhankasta ah
Cristiano Ronaldo ayaa waqti qurux badan lasoo qaatay waayihiisa ciyaaraha, xiddigo badan oo cajiib ah isaga oo la soo ciyaaray qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka waayihiisii Manchester United, Real Madrid iyo Juventus.
Ronaldo ayaa shaxdiisa / XI-kiisii ugu wacnaa ka soo xushay saaxiibadii uu la ciyaaray wareysiga 2023, iyadoo ciyaartoyda Real Madrid sida Sergio Ramos iyo Iker Casillas ay ku jiraan liiskan.
Saddex ciyaaryahan oo Manchester United ah ayaa waxaa soo xushay Ronaldo, halka Giorgio Chiellini uu ahaa ciyaaryahanka kaliya ee Juventus u doortay xiddiga Portugal.
Waa kuwan shaxda ugu fiican ee uu soo xushay 11-ciyaaryahan ugu fiican ebid uu kasoo ag ciyaaray.
Iker Casillas wuxuu ahaa goolhaye ka tirsan Real Madrid Sergio Ramos wuxuu ahaa daafac bir ahaa kana tirsanaa Real Madrid sido kale Rio Ferdinand wuxuu ahaa daafac shub ah oo ka tirsanaa Manchester United Giorgio Chiellini wuxu ahaa daafac shub ah kanaa tirsanaa Juventus Marcelo wuxuu ahaa daafac shub ah kana tirsanaa Real Madrid Toni Kros oo ahaa qad dhexe oo cajiib ah Real Madrid ka tirsanaa Luka Modric Real Madrid ayuu ka tirsaana qad dhexe oo cajiib ah qad dhexe Paul Scholes kana tirsanaa Man United Gareth Bale garab weerar midig ah kana tirsanaa Real Madrid sido kale Karim Benzema weeraryahaj ka tirsanaa Real Madrid iyo Wayne Rooney oo ahaa weerayhan garab bidix ka ciyaara.
Ronaldo ayaana usoo xushay 11-ciyaartoy ee ebid ugu fiicnaa uu kasoo garab ciyaaray waayihiisa xirfadda ciyaaraha.