Daafaca kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa bilihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League, iyadoo Manchester United ay dooneyso inay hesho saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay wargayska Give Me Sport, Manchester United ayaa quus ka taagan suurtagalnimada ay kula soo wareegto 24 jirka daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Alphonso Davies.
Laacibka ayaa sidoo kale waxaa isha ku haaya Real Madrid, waxaana ay u muuqataa in kooxda heysata horyaalka La Liga ay noqon karto kuwa ugu cadcad si ay u xaqiijiso saxiixiisa haatan.
- Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Canada ayaa lagu soo waramayaa inuu qaaato mushaar dhan £240,000-oo ginni toddobaadkii. Si kasta ha ahaatee, Manchester United waxa ay doonaysaa in ay ku bixiso lacagtaas ciyaaryahanka. Davies wuxuu noqon doonaa mid beeca xorta ah xagaaga 2025, wuxuuna awood u yeelan doonaa inuu heshiis horudhac ah la galo kooxo ajnabi ah Janaayo.Lasoo saxiixashada ciyaartoy tayo leh oo qaab bilaash ah ku hesho waxay noqon doontaa ganacsi iyo horumar aan caadi ahayn. Si kastaba ha ahaatee, dalabkiisa mushaharka ayaa loo arkaa mid aad u sarreeya. Manchester United waxay u baahan tahay inay la soo wareegto daafac bidix bilaha soo socda.
Daafacyada kala ah Luke Shaw iyo Tyrell Malacia ayaa aad u liitay bandhigooda booska daafac dambeedka bidix iyaga oo ku maqan dhaawacyo kulamado oo ay seegeen Red Devils.
Real Madrid ayaa sidoo kale dooneysa inay lasoo saxiixato daafac bidix oo tayo leh, waxayna bartilmaamed ay ka dhigteen Davies waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan mushaar qaali ah. Alphonso Davies ayaa isku muujiyay Bundesliga sanadihii lasoo dhaafay, shaki kuma jiro inuu leeyahay tayada uu ugu guuleysan karo Premier League iyo La Liga.